Xasan Sheekh Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Imaaraadka Carabta Ku Qanciyo Inuu Isagu Ka Kireeyo Madaarka Berbera

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaah Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii uu madaarka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland uga kirayn lahaa dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan qaybtooda ciidamada.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu dhawaan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta u diray wasiirkiisa khaarajiga Cabdisalaan Hadliye si uu dawladda Imaaraadka ugu qanciyo inay isaga siiyaan lacag uu ugu ogolaanayo in Imaaraadku heshiis la galo dawladda Somaliland; taas oo sida wararku ay sheegayaan uu ku tilmaamay awood sharciyeed.

Wuxuu kaloo Xasan Sheekh arrintan ka dalbaday inuu fududeeyo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaanu Xasan Sheekh doonayaa inuu Imaaraadka Carabta ku qanciyo in marka uu isagu u sameeyo saxeexa foojariga ah, uu ka dib Imaaraadka Carabtu dawladda Somaliland ka codsado inay la gasho heshiis labaad. Si rasmi ah looma oga jawaabta ay dawladda Imaaraadku ka bixisay dalabka Xasan Sheekh.

Hase yeeshee, toddobaadkan dhammaaday waxa madaarka Berbera timid diyaarad milatari oo la sheegay inuu leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu, taas oo ay saarnaayeen saraakiil milatari oo Imaaraatiyiin ahi, waxaana la sheegay inay madaarka Berbera ku kulmeen saraakiisha Imaaraatiyiinta ah iyo masuul ka tirsan madaxtooyada oo Hargeysa ka tagay, lamana oga nuxurka ka soo baxay wada hadalkaas.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino bal inay wax xog ah ka hayaan arrintan iyo in kale, ayaanay noo suurtogelin.Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta, lamana xaqiijin karo ujeedada safarkiisa.

Imaaraadka Carabta ayaa siyaabo kala duwan xidhiidho ula leh dawladaha Somaliland iyo Somaliya, waxase ay Somaliya ku leedahay safiir iyo safaarad, halka aanay Somaliland ku lahayn xataa wakiil. Laakiin dawlada Somaliland ayaa Imaaraadka Carabta ku leh wakiil.

Xigasho geeska