Xasan Gaadhaafi Oo Shirweynaha Xisbiga Kumiye Ka Caddeeyey In Uu Ka Tanaasulay Musharaxnimada Guddoomiyaha Ku Xigeenka Kulmiye

Hargaysa(SLPOST):-Xasan Gaafaadhi Oo Hore Iskugu Soo Sharaxay Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Si Rasmi Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Uga Caddeeyey In Uu Ka Tanaasulay Musharaxnimada Jagadaasi.

kaahin and gaafaadhi

Mr Gaafaadhi Waxa Uu Sheegay In Uu Jagadaasi Uga Tanaasulay Maxamed Kaahin Axmed , Isagoo Talaabada Uu Ku Tanaasulayna Ku Tilmaamay Mid Uu Samayn Lahaa Qof Kasta Oo Jagadaasi Isku Soo Taaga.

 

Xasan Gaafaadhi Waxa Uu Halkaasi Ka Jeediyey Hadalo Kaftan Ah Oo Uu Kula Kaftamay Madaxda Xisbiga Kulmiye.

 

Warar Hoose Oo Aanu Helnay Ayaa Sheegay In Xasan Gaafaadhi Uu La Kulmay Madaxweyne Siilaanyo Isla Markaana Loo Balan Qaaday Jago Wasiirnimo Iyo In La Siiyo Lacag Mag Dhaw U Ah Kharashkii Ku Baxay Xafladihii Uu Qabsaday Intii Uu Ku Dhawaaqay Musharaxnimada Jagada Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Waana Taas Ta Sababta Looga Dhigayo Tanaasulka Uu Sameeyey Xasan Gaafaadhi.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland