“Xasadka, qabyaaladda iyo qaadka, saddexdaas cudur ayaannu aad uga soo ducaynay in Illaahay innaga Bogsiiyo” Eng Faysal Cali Waraabe Oo Xajka Soo Gutay

 

 

Hargeysa(SLpost) – Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Ucid,  ayaa ka soo laabtay Xajka, waxaanu Illaahay uga mahadceliyay gudashada Xajka iyo soo nabad noqoshada. Waxa uu sheegay inuu umadda Muslimka ah guud ahaan ugu duceeyay inay dhibka ka baxaan, sidoo kalena bulshada Somaliland uga duceeyay dhawr arrimood oo dhibaato ku haya.

 

“Waxaanu ka soo noqonay Xajka, Illaahay na soo nabad celiyay ayaa mahadleh, waad ogtihiin xajka wixii ka dhacay oo dad badan baa ku dhintay Alle ha u naxariisto laakiin xaj aad iyo aad u wanaagsan ayuu ahaa, waanu soo ducaynay oo umadda Muslimka ah oo dhan baanu u soo ducaynay waxaanan filayaa in Illaahay ducada naga aqbalay,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Guddoomiyaha Ucid oo sii hadlaya waxa uu yidhi “ Dalkeena si gaar ah ayaanu ugu soo ducaynay. Waxaanu ku soo ducaynay in Illaahay innaga Bogsiiyo Xasadka, qabyaaladda iyo qaadka, saddexdaas cudur ayaanu aad uga soo ducaynay. Waxaanu ku ducaynay in Illaahay dalkeena nabad ka dhigo, umad isjecel ka dhigo qalbigeennana Illaahay isku wanaajiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ucid.

 

Guddoomiyaha Ucid, ayaa tilmaamay in inta bulshadu qabyaaladda, xaasidka iyo qaadka ku foogan tahay aanu wanaag imanayn, waxaanu tilmaamay bulshada oo dhexdeeda wanaajisaa keenayso nimcooyinka Alle ee roobku ka mid yahay oo furma.

 

Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay xaaladdaha siyaasadda Somaliland wuxuu sheegay inaanu waxba ka odhanayn isagoo ku gaabsaday “Waanu cibaadaysanaynay oo aduunyadaba waanu iska xidhnay markaa bal marka aan wax waraysto ayaan wax ka odhan.”