Xasaasi: Aqoonyahan Soo Bandhigay Meelaha uu Somaliland Ka Soo Galay Xannuunka Xumadda Kaneecada

Arrintan waxa si qoto-dheer u lafo-guray siyaasi Ismaaciil Cabdilaahi oo si gaar ah farta ugu fiiqay sababaha uu Somaliland u soo gaadhay xannuunka Xumadda Kaneecadu Sababto (Dengue Fever) Oo taariikh ahaan aan hore uga jirin ama ku yaraa Somaliland.

Maxaa Laga Ogyahay Xumadda Dengue?

Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed. Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho. Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalada Hargeysa oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.

Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dengue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Maraykanka.

Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.