Xanuunnada Carruurta Ku Keeni Kara In Korniinkoodu Dib Dhaco Ama Joogsado

Qaahira (SLpost)- La socoshada korniinka ilmuhu waa arrin muhiim u ah mustaqbalkiisa caafimaad iyo noloshiisa dambe, waxa ugu badan ee ay caawinaysaana waa in la ogaado in ilmuhu uu si dabiici ah oo habsami ah u korayo, dherer ahaan iyo miisaan ahaan labadaba, si haddii wax uun qaldani jiraan xal loogu raadiyo goor hore oo laga yaabo in wax laga qaban karo. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah sababaha ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay keeni karaan in korniinka ilmuhu ka dib dhaco sida caadiga ah:

Caadi ahaanba korniinka saxda ahi waxa uu ku yimaaddaa sababo la xidhiidha hiddaha, qolfoofka qofka oo leh qaabdhismeed sax ah, iyo in ay si fiican u shaqaynayaan qanjidhada afka qalaad lagu yidhaahdo Endocrine oo ah qanjidho jidhka oo dhan ku filqan oo soo daaya dheecaanno iyo hormoonno ay ka mid yihin maaddooyin kiimikaad iyo Barootiinno kaalin muhiim ah ka qaata shaqada xubnaha, isuna dheelli tira Kiimikada jidhka ku jirta. Korniinka saxda ah ee ilmaha waxaa sidoo kale aad muhiim ugu ah cuntada oo ay tahay in ay isu dheelli tirnaato, noqotana cunto uu ka heli karo nafaqo ku fiican da’diisa iyo caafimaadkiisa.

Waxa kale oo jiri kara sababo la xidhiidha hidde-sidayaasha ubadka yaryar, iyo arrimo deegaanka ku xidhan oo iyaguna keeni kara dhibaatadan. Waxa kale oo jira xaalado uurka inta uu ilmuhu ku jira yimaadda oo sababa in korniinkiisu uu dabiici noqon waayo, marka uu dhasho.

Share this post on Delicious StumbleUpon this post Share this post on Digg Tweet about this post Share this post on Mixx Share this post on Technorati Share this post on Facebook Share this post on NewsVine Share this post on Reddit Share this post on LinkedIn

Geeska Afrika