Xannuunka Kuduudiyaha oo ka dillaacay magaalada Caynaba iyo Xog-warranka Dhakhaatiirta

Caynaba (SLpost)- Xannuunka Kuududiyaha ‘oo dhawaan ka dillaacay Magaalada Burco ayaa u gudbay isla-markaana ka dillaacay Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Caynaba Dr. Cali Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyey in Xanuunkani uu Dad badan ku soo ritay Magaaladaas, qaarkoodna ay Cisbitaalka u jiifaan Xanuunkaasi.

“Xanuunka Kuududiyuhu wuxuu ku soo horreeyay Gobolka Togdheer, waxa jira Dad badan oo Caynabo ugu soo dhacay, sidaasi darted waxaan Dadka u sheegayaa inaan Xanuunkan waxba lagaga qaban karin Daawo dhaqameedka, sidaasi darteed ay Dadku u eertaan Cisbitaallada, waxaanan Caddaynayaa in Xanuunkani ku faafayo isku socodka Dadka, Caynabana ay Dad badan u jiifaan,” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Cisbitaalka Caynabo oo u warramay Telefiishanka Horn Cable Tv.

Xanuunkan ayaa dhakhaatiirtu sheegaan inay sababto Kaneecado, wuxuuna Dadka kaga dhacaa Xaglaha ama laabatooyinka jidhka, taasi oo keenaysa in Qofku jiifka ka kici waayo.