Xaglotoosiye Oo Ka Hadlay Xaalada Buuhoodle iyo Cali Khaliif Oo Uu Ka Saaray Buuhoodle

Hargaysa(Slpost)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugaan magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa Buuhoodle isagoo ka jawaabahay hadalo ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland MD Xaglatoosiye waxa uu ugu horeyn ka hadlay socdaalkiisa magaalada Buuhoodle iyo waxyaabaha ugu waawayn ee uu la xidhiidhay.

“Baryahan sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle gaar ahaan magaalada Buuhoodle,safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas wadayaal ah oo doonayay inay buuhoodle ku qabsadaan shirka run ahaantaana ay waxyeeleeyaan nabad galyada Buuhoodle oo muddaa labada sanno iyo badh ka ahayd ee Somaliland joogtay aan wax dhib ahi ka dhigici alle waa igu guuleeyay way bexeen, laakin haddana may fogaane meel Balacad la yidhaahdo ayay shirkoodii ula guureen Somalilandna yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabad galayada “ayuu yidhi Wasiir xaglatoosiye.

Wasiirka caafimaadka Somaliland oo khadka telefoonka ugu waramay idaacada Radio Hargaysa ayaa sheegay inay kooxdaasi ka soo duuleen xamar doonayeena inay carqaladeeyaan nabada Somaliland.

“Kooxdaasi waxa ay ka soo duushay magaalada Xamar ee dalka Somaliya,waa nasiib daro in Somaliya oo wada hadal inaga dhexeeyaan isla markaana ay si ku dayso inay nabada Somaliland carqaladayso,waan cambaaraynayaa MAAMULKA XASAN SHEEKH,waxa ay ka soo duuleen xamar waxaanay yimaadeen Buuhoodle,balse Buuhoodle oo magaalada ugu wayn ah deegaankan waa laga saaray ,meelaha ay imika u guureenna waalaga saari doona”Wasiirka caafimaadka Somaliland.

Wasiir Xaglatoosiye waxa uu ka waramay garoon ku yaala magaalada Buuhoodle kaasi oo khatar ku ah nabad galayada Somaliland isagoo sheegay inay cid wal oo Somaliland hagardaamo la doonaysaa ka soo degto.

“Goroon ayaa meesha ku yaala,garoonkaasi maamul ma leh ,raadaal ma leh,waa garoon halis ku ah nabad galayada Somaliland ,wixii ay diyaaradaasi siday sida ay sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali khaliif wuxuu sitay waa uu la guuray waanaynu ognahayoo waa inuu Somaliland qaso,waxaanu ula guuray xagga uu imika u baxay”Wasiir Xaglatoosiye.

Wasiirka Xaglatoosiye oo la waydiiyay aragtidiisa Cali Khaliif galaydh digiin adeg u diray isagoo ku wargaliyay inuu deg deg iskaga baxo magaalada Buuhoodle kana fadhiisto siyaasadda .

“Cali Khaliif waxaan u arkaa ,waxa jira xaga dhaqanka Awr la yidhaahdo BAN KA QOOQ,waana awr geel awr haysan oo haddana qooqay ,kaasi ayuu la mid ayahay Cali Khaliif,waa nin wayn waa in da’a meesha uu wax ka raadinayana waxba uguma jiraan,Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu DHULBAHANTE ka dhigto salaam uu meel sare ku gaadho,isaguna noqon maayo salaam meel sare lagu gaadho.Cali Khaliif waxa aan leeyahay iskaga bax arimahaasi,inaad hub keeno iyo inaad nabada carqaladaysao waxba kaagama baxaa,nabad galaysada bulshada deegaanka ayaa leh siyaasaddiisu waa siyaasad majara habawsan”Wasiir Xaglatoosiye.

Waxa uu  sheegay in uu buuhoodle u tagay inuu ka saaro kooxda nabad diidka ah ee uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh kana baxeen guud ahaan Buuhoodle.

“Somaliland mabde’eeda koowaad waa nabad galyo anigoo wasiirkii caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid saacad igumay qaadateen inaan buuhoodle ka saaro ,laakin annagoo nabada eegayna ayaanu qaadanay siyaasadd uu isagu kaga bixi karo,annagoo talaabo qaadin ayay dadku fahmeen oo ay iska saareen”Wasiirka caafimaadka Somaliland.

Wasiirka caafimaadka Somaliland MD Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye waxa uu ka jawaabay hadalo maalmihii ugu dambeeyay uu warbaahinta mariyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax,waxaanu sheegay in kursiga uu ku fadhiyaa u baahan yahay tallo qaran.

“Runtii waan dhagaystay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo arintaa ka hadlaya imaantinkayga aan halkan imid shaqsinimo kumaan iman waxaan ku imid tallo qaran,waxaan ku imid amar madaxwayne,waxaan hadda ku joogaa tallo qaran iyo amar madaxwyane,anigu reer Buuhoodle ayaan ahay way kala duwan tahay marka madaxwyanuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaado,Buuhoodle waa Somaliland waadigii arkayay sidii la iigu soo dhaweeyay Buuhoodle.

“Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxa tallo qaran u baahan ku xigeenka koowaad  guddoomiyaha baarlaamaanka .Jagadaasi ayaa u baahan tallo qaran,waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii wasiirka warfaafinta,waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay gudoomiye ku xigeenka baarlamaaka Somaliland,waan ka xumahay inuu difaaco cali Khaliif iyo kooxdiisa.

 

“Buuhoodle waxa aan u joogaa inaan dadka wacyi galiyo,inaan dadka la tasho,waxa ka go’an deegaanka buuhoodle inay nabad galyo hirgaliso,dadkuna waxa ay diyaar u yihiim midnimo,horumar iyo nabad.

Wasiir xaglatoosiye waxa uu ka warbixiyay adeegyada ay ka hirgaliyeen deegaanka Buuhoodle iyo laascaanood isagoo sharaxay muddadii uu xilka hayay waxyaabaha uu u qabtay labada deegaan.

“Buuhoodle Umballace kii ugu horeeyay ayay Somaliland gaysay,intaan wasiirka ahaa waxaan geeyay Umballace kii ugu horeeyay ,waxaan ka hirgaliyay Mac-hadkii caafimaadka oo hadda dhamays ku dhaw,waxa laga dhisay ilaa saddex MCH,waxaan hadda WIDHDWIDH ka dhisaynaa dhakhtarkii TB-da ,dhawaanna waxaanu soo dhawaynayaa Tababaro badan oo loo samaynayo dadka caafimaadka Buuhoodle”

“Imika waxa dhakhatarka laascaanood loo ansixiyay laba milyan iyo badh oo sanduuqa horumarinka Somaliland looga ansixiyay ,haddii ay tahay horumarinta caafimaadka iyo gaadiidba”Wasiir xaglotoosiye.

Wasiirka caafimaadka Somaliland,waxa uu dadka reer Somaliland u soo jeediyay inay midnimadooda ilaashadaan oo nabad galayada ilaashadaan dhegna u dhigin hadalada nabad diidku hawada marinayaan.

“Haddii aynu nahay Reer Somalilan waxa aynu u baahanay midnimo,waxa kale oo aan shacabkayga farayaa inay u hiiliyaan midnimadaa,inay diidaan shaqsi kasta meel uu doono ha joogaane,Somaliland maanta waa dalk jira khaladkii auynu lixdankii galnay waynu ka soo noqonay,cidkasta oo doonaysa inaynu galo khaladkii aynu galay lixdankii aynu meel uga soo wada jeedsano”Wasiirka caafimaadka Somaliland.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa warbaahinata gudaha Somaliland qoreyeen hadalo lagu durayo tagitaanka Buuhoodle ee wasiir xaglatoosiye,kaasi oo uu eedayn u jeediyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlaamka Somaliland MD Baashe Maxamed Faarax.