Xabaalwadareed Laga Helay Halka Uu Soo Maraayo Beebka Biyo Balaadhanta Hargeysa Oo Aas Loo Sameeyay

 

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa maanta aas qaran loogu sameeyay xabaalaha biyo shiinaha 42 qof oo laga helay xabaalwadareed beebka biyaha magaaladda Hargeysa keenaya dhulkii la soo marinaayay laga helay.

xabaal wadareedkan oo loo sameeyay aas qaran waxa k qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirada cadaaladda,warshadaha,maayarka caasimada gudoomiyaha baadhista xansuuqa,maareeyaha wakaalada biyaha sheekh aadan Siiro iyo masuuliyii kale.

11880546_10153083311697469_2177361580575651328_n 11902316_10153083311237469_5022112927975908831_n 11873798_10153083309002469_7170553184650989748_n11892204_10153083308272469_1269956749635243486_n

Maareeyaha wakaalada biyaha Ibraahin Yoonis ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ku helaan xabaal wadareedkaas “Waxaanu dib u aasaynaa oo ah dadkii lagu xansuuqay dagaaladii 1988-kii, markaas waxaanu xabaalahan ku helnay waxaanu bilawnay marshuucii biyo balaadhinta ee Hargeysa, markaas halkii beebka la marin lahaa ayaanu ku aranay kuus yar oo ciid tuulan ah oo aan xabaal u eekayn laakiin dadkii deegaanka ayaa sheegay meeshu inay xabaal tahay oo lafo mararka qaarkood ay ka soo baxaan, wasiirka diinta iyo awqaafta ayaanu la xidhiidhnay oo warka gaadhsiinay, wasiirku waxa uu noo soo diray sadex sheekh waxaanay noo sheegeen mar hadii aan lagu tukan oo aan si fiican loo aasin in dib loo saari karo oo inta la kanfo dib loo aasi karo.”

xubin ka socotay gudida tirokoobka xansuuqa ayaa halkaas ka sheegay“dadka halkan lagu laayay waa kuwii magaalada uga soo yaacay madaafiicdii madaarka laga soo ridaayay, kuwaas oo baroon la’la soo dabagalay iyo dayuuradii koonfur afrikaanu ay wadeen.”

Sheekh Aadan Siiro ayaa halkaas isagana ka yidhi” Midnimadeena aynu ilaashano, kuwanina waa ay nasiib badanyihiin waayo qofka in alle dartii loo dilo oo xaqdaro lagu dilo jano ayuu leeyahay sida ay nasuutu ay tilmaamayso, waliba waa dad aan hubaysnayan oo aan dagaalamayn, waa maati hooyooyin iyo caruur ah, waa dadkii ka soo yaacayay dumintii lagu samaynaayay caasimada Jamhuuriyada Somaliland.”

xabaalwadareedkan ayaa la filayaa in wakhtigii dawladii Siyaad Bare inay ka mid ahaayeen dadkii rayidka ahaa ee koox kooxda loo laynaayay, kuwaas oo aan maydkooda hore loo arkin, waxaana halkaas si rasmi ah loogu sameeyay xabaal wadareed guud waana lagu tukaday salaada jinaasada.