Xaaladda caafimaad ee madaxweyne Geelle Oo laga deyriyey iyo Jewiga Caawa ee Jabuuti

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu tacaalayaa cusbitaal ku yaala dalka Faransiiska.

Xogta ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha oo caawa bannaanka u soo baxday, waxa ay sheegaysaa in Arbacadii toddobaadkii hore xannuun kedis ahi ku soo booday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isla markiiba loo cararay cusbitaal Military oo ku yaala dalka Faransiiska oo uu muddo 3 maalmood ah yaallay.

In kasta oo ay jiraan warar lagu baahiyey baraha bjlsjasa oo lagu sheegay inuu geeriyooday madaxweynaha Jabuuti, taasoo aan la xaqiijin karin, haddana waxa jira dareenno abuuray tuhunno la xidhiidha fayo-qabka xaaladda Caafimaad ee Ismail Cumar Geelle, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inaanu jirin wax Internet ah oo caawa ka shaqaynaya gudaha dalka Jabuuti.

Advertisement

Madaxweyne Ismail Cumar Geelle ayaa xilliga uu Xannuunku ku soo booday u diyaar-garoobayay socdaal uu ugu baxayay magaalada New York ee dalka Maraykanka, si uu uga qayb-galo shirka hoggaamiyeyaasha dalalka Xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay.

Follow us On