Xaafadaha Magaalada Hargeysa Qaarkood oo Gurmad Biyo-dhaamis ah laga Sameeyey

Hargeysa (SLpost)- Xaafado ka tirsan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta laga sameeyey gurmad biyo-dhaamis ah wakhti ay curteen roobabkii Gu’ga.

Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta biyo dhaamis u samaysay Shan  Xaafadood oo ka mid ah Xaafada ay dadka danyarta ahi ku nool yihiin ee Caasimada Hargaysa .

biyo dhaamin HargysaWasaarada Macdanta iyo biyaha iyo hay’ada PSI ayaa iyagoo ka duulaya Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha Aduunka,waxay Shan booyadood oo biyo ah gaadhsiiyeen Xaafadaha ay ka midka yihiin State Houska, Maxamed Mooge, Sheekh Nuur, Hargaysa Studium iyo Ayaxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Macdanta iyo Biyaha iyo Hay’ada PSI Waxay ku dhiirigaliyeen Dadweynaha ku nool Xaafadahaasi inay ilaaliyaan Nadaafada Biyaha, Maadaama oo lagu jiro Wakhtigii roobabka isla markaana ay Sahlan tahay inay biyuhu soo qaadi karaan Xashiish badan oo ku Ururay laagaha biyo-mareenada ah. Dadweynaha ku nool xaafadahaas ayaa uga mahadceliyay Wasaarada iyo Hay’ada SPI biyaha la gaadhsiisay.

SOMALILANDPOST

Hargeysa