Wixii Kala Qabsaday Madaxda Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Fagaare Iska Helay

Advertisement

Wixii Kala Qabsaday Madaxda Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Fagaare Iska Helay kaddib markii ay masuuliyiintu shalay ka qayb-galeen xafladda qalin-jabinta ardayda dhammaysatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Unity.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Cali iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa khudbado ay ka jeediyeen xafladda ku soo qaatay weedho siyaasadeed oo ay isku weerareen.

Advertisement
Advertisement