Weriye Coldoon oo Sannad kaddib xorriyadiisa dib u helay

 

Hargeysa (SLpost)- Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo sannad iyo dheeraad ah xidhnaa, ayaa maanta xoriyadiisa dib u helay, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyey.

Weriye Coldoon oo markii la sii daayey kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa gebi ahaan ka cudur-daartay inuu ka hadlo sababihii xadhiggiisa isagoo sheegay in marxalada lagu jiro awgeed aanu diyaar u ahayn xilligan inuu ka hadlo.

Weriye Coldoon ayaa maxkamadda gobolka Hargeysa sanad kahor ku xukumay saddex sanno oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxda Somaliland iyo faafitaanta warar been abuur ah oo ka soo horjeeda qaranimada dalka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Suxufi Coldoon