Wefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Hargeysa Oo La Filayo Inay Berri Gaadhaan Stockholm

MAAYARKA CUSUB

soltelcoAddis Ababa (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayay Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa la filayaa inay maalinta Berri abaaro 7:00 Subaxnimo ee wakhtiga Sweden, gaadhaan magaalo-madaxda dalkaas ee Stockholm, halkaas oo uu uga bilaabmayo safar shaqo oo la sheegay inuu qaadanayo muddo toddobaad ah.
Weftigan uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Weris Cabdillaahi, iyo laba xubnood oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, ayaa caawa ka dhoofaya madaarka caalamiga ah ee Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo sida la sheegay ay caasimadda Stockholm ku began yihiin abaaro 7-da subaxnimo wakhtiga Stockholm ee subaxnimada maalinta Axadda ah ee Berrito.
Maayarka Hargeysa iyo weftiga uu hoggaaminayo oo uu Sweden kaga biiri doono wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa u qorshaysan inay kulamo la yeeshaan golaha deegaanka caasimadda Sweden ee Stockholm, iyadooo sida xubno ku dhowdhow weftigu ay sheegeen ay maalinta isniinta la kulmi doonaan Maayarka Stockholm Sten Nordin iyo madaxda dawladda hoose ee caasimadda Sweden, waxaanay laba dhinac kulankoodaas kaga hadli doonaan fulinta qorsheyaal hore u socday oo ay ka mid yihiin mataanaynta caasimadaha Somaliland iyo Sweden ee Hargeysa iyo Stockholm. Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii labada caasimaddood looga kala furi lahaa laba xafiis oo ka hawl-geli doona horumarinta goleyaasha deegaanka labada magaalo, kuwaas oo ka shaqayn doona mashaariicda horumarinta ah ee golaha Deegaanka Hargeysa ay u fidinayaan dawladda hoose Stockholm iyo Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden.
Waxa kale oo ay wararkani sheegayaan in labada Maayar ee Hargeysa iyo Stockholm ay qallinka ku duugi doonaan qaar ka mid ah mashaariic ay hore u balanqaadeen Golaha Deegaanka ee Stockholm.
Socdaalka weftiga Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la filayaa inay sidoo kale la kulmi doonaan Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm qaar ka mid ah madaxda dawladda Sweden, iyadoo wararku sheegayaan in socdaalkooda shaqo ee ay ku tegayaan dalka Sweden uu qaadan doono muddo toddobaad ah.
Golaha deegaanka Hargeysa oo muddo shan bilood ah xilka hayey, ayaa horaantii bishii April jagada Maayarka u doortay Cabdiraxmaan Soltelco, kadib markii uu geeriyooday Marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo ahaa Maayarkii u horeeyay ee golaha cusub ee deegaanka Hargeysa u doortay Maayarka, waxaanay tan iyo wakhtigaas oo ay dawladda hoose ee Hargeysa qaaday tallaabo lagu ammaanay kadib markii ay jid casri ah markii ugu horeysay ka hirgeliyeen caasimadda Hargeysa, iyadoo dad badani ku tilmaameen tallaabadaas mid soo noolaysay rajadii ay ka qabeen inay waxqabad la iman doonaan golaha cusub ee u badan dhallinyarada, isla markaana ay hoggaaminayaan Maayar iyo Maayar ku-xigeen dhallinyaro ah.

SOMALILANDPOST.NET