Wefti Somaliland u metalaya wada-xaajoodka Maamulka Hawada Sare oo dalka Turkiga u dhoofay iyo Rejada Wasiirka Duulista

Hargeysa (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa gelinkii dambe ee maanta u anba-baxay dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb-gali doonaan sii anba-qaadka wada-hadallada khilaafka ka taagan maamulka Hawada Sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakhtigan u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftiga oo ka kooban Afar xubnood oo uu wasiirku hoggaaminayo, waxa ay ka qayb-gali doonaan gogal wada-hadal ku aaddan khilaafka ka taagan maamulka Hawada Sare oo dowladda Turkigu u fidisay Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la filayo inay halkaas isla caawaba ay gaadhaan weftiga Somaliland iyo ergo ka socota dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

wadahadaloMd Maxamuud Xaashi, wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay Gegida diyaaradaha ee magaalada ka Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in wada-hadalladu noqonayaan shir Afar Geesood ah oo marka laga yimaaddo labada dhinac ee wada-hadalladu u dhexeeyaan ay ka qayb-galayaan Dowladda Turkiga iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee Gacanta ku haysa maamulka Hawada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Shirka wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya oo tiraba dhowr jeer lagu qabtay dalka Turkiga, balse kulankii ugu dambeeyey lagu soo daray Ajandaha maamulka Hawada Sare, ayaa kaga duwan shirkaas hore iyadoo ay goob-joog ka noqonayaan masuuliyiin sar-sare oo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada Sare oo iyadu gacanta ku haysa maamulka Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA