Wefti ka socda Dowladda Jabuuti oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Xubno kala duwan oo katirsan xukuumadda Somaliland, ayaa maanta madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey wefti heer sare ah oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka qaybgalka xuska munaasibadda 18-ka May oo maalinta berri ah laga xusi doono guud ahaanba Somaliland.

Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, wasiir-ku-xigeenno, Agaasimayaal guud, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ay dawladda Jabbuuti usoo wakiilatay ka qaybgalka xuska maalinta lasoo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May oo uu hoggaaminayo xoghayaha gaarka ah ee Ra’isal wasaaraha Jabuuti, Mudane Nagiib Cabdallah Kaamil.

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland oo madasha ka jeediyey kelmedo kooban oo soo dhaweyn ah, ayaa u mahadnaqay dawladda Jabuuti, waxana uu xubnaha weftiga usoo dhaweeyey si kalfuran oo walaaltinnimo ku dheehan tahay.

Advertisement

Xoghayaha gaarka ah ee Ra’isal wasaaraha Jabuuti, Mudane Nagiib Cabdallah Kaamil, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa guud ahaanba xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweysay iyo walaaltinnimada ay u muujisay.

 

Follow us On