Wefti ka socda Dalka Kenya oo Hargeysa u jooga furista Qunsuliyadda Dalkaas ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Kenya, ayaa booqasho ku jooga Somaliland, waxaanay ujeeddada safarkoodu la xidhiidhaa Dhammeystirka qaybo ka mid ah heshiisyo hore u dhexmaray madaxweyneyaasha labada waddan ee Somaliland iyo Kenya.

Sida lagu daabacay warbaahinta Business Week oo aanu warkan ka soo xigannay, weftiga ka socda dalka Kenya, ayaa Somaliland u joogo dhammeystirka furitaanka Qunsuliyad Dowladda Kenya ka furanayso Somaliland, taas oo qayb ka ahayd heshiis sannadkii hore ay kala saxeexdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Weftiga Kenya ka socda oo afartii maalmood ee u dambeeyey ku sugan Somaliland, ayaa hirgelin doona qorshii Kenya ku noqon lahayd dalkii saddexaad ee Afrikaan ah ee Qunsuliyad ka furta Somaliland, iyadoo ay hore Xafiisyo ugu lahaayeen Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Xafiiska dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo hore loo furi lahaa bishii March ee sannadkan, ayaa u hakaday xannuunka COVID-19 oo saamayn xooggan ku yeeshay dunida iyo dalalka mandaqadda Bariga Afrika, kaddib markii xayiraad la saaray isu-socodka iyo duullimaadyada diyaaradaha.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal taariikhi ah ku tagay dalka Kenya bishii December 2020kii, waxaanay wadahadal yeesheen madaxweyne Uhurru Kenyata oo ay kala saxeexdeen heshiis dhowr qodob ka kooban.

Labada Hoggaamiye waxa ay heshiiskaasi ku ballanqaadeen ka wada shaqeynta ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay xuseen in Al-shabaab ay wali halis muuqata ku hayso gobolka, waxaanay ugu waxay ku baaqeen in beesha Caalamku si adag uga qayb-gasho taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Xig-jirka ah ee Mandaqadda Geeska Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net