Wefti DDSI uga yimi Aaskii Qaran ee Suldaan Cumar Oo lagu maamuusay hadhimo-sharafeed Sagootin ah

“Deegaanada Soomaalida dhaqanku udub dhexaad ayuu u yaha…” Wasiir Cabdisalaan Yuusuf Oo Ka Socday Dawlad Deegaanka Soomaalida

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo magaalada Hargeysa u yimi ka –qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo shalayu lagu aasay Hargeysa, ayaa maanta caasimadda loogu sameeyey hadhi-sharafeed sagootin ah oo meeqaamkeedu sarreeyo.

Hadhimo-sharafeed laysku arkay oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo weftiga loogu qabtay Huteelka Gacalo ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, culimo, aqoonyahan iyo Dhalinyaro.

Weftigan oo isugu jiray Wasiiro, Ganacsato iyo Madax-dhaqameed, ayaa waxa hogaaminayay Wasiirka Maal-gashiga, qurba-jooga, iyo xidhiidhka caalamiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdisalaan Yuusuf, isla markaana ay ka mid ahaayeen Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Xirsi oo ka mida madax-dhaqameedka dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahad-celiyay Weftiga ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee ka soo qeybgalay Aaska qaran ee loo sameeyey Suldaankii guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, iyo caleemo-saarkii Suldaanka cusub ee Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

“Weftiga ka socda dawlad deegaanka Soomaalida, waxa uu imaanshiyihiinu sii xoojinayaa xidhiidhka iyo wada dhalashada inaga dhaxaysa, oo annagu labada dhinacba waanu nahay, aad ayaad ugu mahadsan tihiin inaad nagala soo qeybgashaan Aaska qaran ee loo sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Md Maxamed Xaaji Cismaan ayaa ka codsaday Weftiga ka socday dawlad deegaanka inay xidhiidhka is-dhexgalka labada dhinac ay kor u qaadaan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan idinku mahad-naqaynaa, waan idinka filaynay, waanu idinku faana oo waanu idin tirsanaa. Markaa Waxaynu doonaynaa inaynu is-dhexgalka kor u sii qaadno, oo aad halkaasi naga siisaan dhul aanu beerano”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mida Culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaa u mahad-celiyay Weftiga ka socday dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka soo qeybgalkii Aaskii qaran ee loo sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo shalay aas qaran loogu sameeyey Magaalada Hargeysa.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid oo ka hadlay Casuumada qado-sharafta ayaa u mahad-celiyay Weftiga ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaanu yidhi “Waan idinka mahad-naqaynaa gurmadka walaalnimo, ee aad nagala soo qeybgasheen Aaska qaran ee loo sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faraax. Iyo Caleemo-saarka Suldaanka Cusub Dr. Cabdiraxaan Suldaan Cumar. Waanan idinka mahad-celinaynaa sida sharafta leh ee aad uga soo jawaabteen arrintaas dhacay waanad ku mahadsan tihiin waana arrin aynu isku leenahay”

Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Xirsi oo ka mida madax-dhaqameedka dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ugu duceeyey inuu ILAAHAY janatul fardowsa ka waraabiyo Suldaanka Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Sudlaan Faarax, waxaanu yidhi “Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxaan leeyahay ILAAHAY ha kugu soo asturo xilka oo ah xil-weyn, sifadii Abaaha waad leedahay, Kartideedii iyo cilmigeediina ILAAHAY waa ku siiyay. Suldaanku (Suldaan Cumar) Somaliland oo kaliya Suldaan umuu ahayn ee shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida ee balaadhan Suldaan ayuu u ahaa”.

Wasiirka Maal-gashiga, qurba-jooga, iyo xidhiidhka caalamiga ee dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdisalaan Yuusuf, ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca dawlad deegaanka Soomaalida iyo magaca Weftigii shalay ka qeybgalay Aaskii qaran ee loo sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, iyo Caleemo-saarkii Suldaanka cusub waxaan leeyahay Walaalkeen Marxuum Sudlaan Cumar ILAAHAY ha u naxariisto. Suldaan Cadiraxmaana ILAAHAY xilka ha ku asturo”

“Dawlada giyiga Soomaalidu waxay ku dhisan yihiin dhaqanka, waa muhiim inaynu mar-walba dhaqanka kobcino, oo duqeydeena dhisno, oo salaadiinteena gacanta midig ku qabano. Deegaanada Soomaalida dhaqanku udub dhexaad ayuu u yahay”.Ayuu yidhi Wasiir Cabdisalaan, isaga oo uga mahad-celiyay sidii qiimaha lahayd ee loo soo dhaweeyey.

Wasiir Kuxigeenka Caafimaad Somaliland Liiibaan Yuusuf Cismaan, u mahad-celiyay Weftiga ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ee ka soo qeybgalay Caleemo-saarka Suldaanka Cusub ee Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed,

Suldaan Barre Xaaji Xuseen ayaa si qurux baddan weftiga u sagootiyey, isla markaana uga mahad-celiyay sida qiimaha iyo walaalnimada leh ee ay uga soo qeybgaleen Aaskii qaran ee loo sameeyey Suldaankii guud ee Beelaha ARAB Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Munaasibadan sagootinta ahayd ayaa bilnayd, isla markaana la isku arkay, iyada oo Weftiga ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia si weyn uga mahad-celiyay meeqaam sare ee lagu soo dhaweeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.ne