“Waynu Kufnaye, Illaahay Ha Inaga Kiciyo” ~ Beelaha Ceel Afweyn Oo Masaajid Lagu Dhaariyey

Advertisement

Maamulka gobolka Sanaag, xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida iyo haldoor kale ayaa goob-joog ka noqday Odayaasha iyo madax-dhaqameedka beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku diriray degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dhaarta Odayaasha iyo madax-dhaqameedka labada beelood oo ku qabsoontay masaajid ku yaalla degmada Ceel Afweyn, waxa ay halkaas labada dhinac kagaga ballan-qaadeen nabad iyo xabbad-joojin ay labada dhinacba raalli ka yihiin isla markaana lagu soo afjarayo dagaal soo noq-noqday oo labada beelood ku dhexmaray degmada Ceel Afweyn.

Muuqaalka Hoose kaga bogo hadallada laga jeediyey goobta lagu dhaariyey labada dhinac.

Advertisement

 

Advertisement