“Waxay dadku is waydiinayaan Sahra Halgan fannaanad dadka u dhex ah ayay ahayde, maxay Xisbiga Waddani u dooratay?”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa munaasibad soo dhaweyn ah ku qaabilay maanta taageerayaal ay hor-kacayaan fannaanadda caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) iyo siyaasiga Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan-Ruush).

Munaasibad lagu soo dhaweeyey taageerayaasha ay hormoodka u ahaayeen siyaasiyiiinta Aadan Ruush iyo Sahra Halgan oo lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Madaxda sare ee Xisbiga Waddani oo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hormood ka yahay iyo taageerayaasha Xisbiga

sahra halkanSiyaasi Aadan-Ruush iyo Sahra Halgan oo labadoodu kaalin laxaad leh ka soo qaatay halkankii dib-u-xoreynta dalka oo madasha lagu qaabilay ka hadlay, ayaa ku-biiristooda xisbiga Waddani ku macneeyeen Saluug ay ka qabaan hoggamainta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo jihada siyaasaddeedu u hor-horseedday dalka.