“Waxaanu nahay Dad samir badan, laakiin dulqaadkeyagu maaha mid aan dhammaad lahayn” – Safiirka Somaliland ee Maraykanka

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in la gaadhay xilligii ay Dowladda Maraykanku ku dhawaaqi lahayd Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland, waxaanay rejo ka muujisay inay xukuumadda Washington ku dhiirrato go’aankan.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Danjire Bashiir Good ayaa rejo fiican ka muujiyey in Maraykanku ugu dambeyn ka garaabi doono xaqiiqada jirta isla markaana ku dhawaaqi doono aqoonsiga Somaliland.

Danjire Bashiir Good oo u warramay Warbaahinta Washington Diplomat, waxa uu soo bandhigay sababo Dowladda Maraykanka xilligan ku riixaya go’anka Aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa inay Danta Mareykanka ku jirto inuu taageero dal curdin ah oo xasilloon, nabad ah, dimuqraadi ah oo Geeska Afrika kaga yeella bogcadda istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed”.

Ambassador Goth wuxuu ku dooday in ka midho-dhalinta qadiyadda madax-bannaanida Somaliland u baahan tahay wakhti iyo samir balse aanay marnaba suurta-gal ahayn inay Somaliland ku sii jirto Aqoonsi la’aan.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay arrin waqti ku xidhan. Waxaan filayaa in Maraykanku is keeni doono haddii aan wax yar sii dulqaadano. Laakiin, 33 sanno dabadeed, ma sii sugi karno intaas wax ka badan,” Sidaas ayuu yidhi Ambassador Good, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu nahay dad samir badan, aad u dulqaad badan. Laakiin dulqaadkeyagu maaha mid aan dhammaad lahayn. Maaha inaanu sugno 33 sanno oo kale oo laga yaabo inuu qalalaase cusub Gobolka ka dhaco oo dabadeedna caalamku markaas garawsado doorka Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.” Sidaas ayuu Danjire Bashiir Good ku sheegay waraysigan oo uu arrimo kala duwan kaga hadlay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net