“Waxaanu ka shakisannahay in Qof Hargeysa ku dhintay uu u Covid-19 u geeriyooday” – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegtay inuu jiro hal qof oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday, kaas oo ay uga shakisan yihiin inuu haleelay Cudurka Covid-19, balse aanay xaqiijin karin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xergeeye oo maanta warbaahinta uga xog-warramayey warbixinta maalinlaha ah ee heerka uu dalka ka marayo Caabuqa Coronavirus, waxa uu sheegay inuu jiro hal qof oo ay wasaarad ahaan uga shakisan yihiin inuu u geeriyooday xannuunka Covid-19.

Advertisement

Warkan oo faahfaahsan kaga daawo Muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=Ktd0gjFRqJE

 

Guud ahaan Somaliland, tirada dadka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa maraysa 8 qof, iyadoo hal qof u geeriyooday xannuunka Covid-19 halka tirada dadka xannuunka ka bogsadayna yihiin saddex qof.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement