“Waxaanu doonayaa inaan umadda u cadeeyo in arrintani ay ku kooban tahay golaha wakiilada, waa dhab oo waxa…” – Muuse Biixi

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay dhacdo caadi ah oo adduun-weynaha looga siman yahay buuqa iyo murannada sharci ee Goleyaasha baarlamaannada ka dhashay, haseyeeshee waxa uu dhacdadii maanta golaha Wakiillada Somaliland ku tilmaamay mid xaasaasiyad halis ah oo aan loo baahnayn ka abuurtay dalka.

“Waxaanu doonayaa inaan umadda u cadeeyo in arrintani ay ku kooban tahay golaha wakiilada, waa dhab oo waxa…” – Muuse BiixiGuddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Xisbul-xaakim ahaan diyaar u yihiin wada-hadal laga dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira, isla markaana aan laga dhigin arrin siyaasadeed oo saamayn ku yeelata dalka maadaama oo ay tahay arrin sharci oo ku kooban Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga maanta, waxa uu tilmaamay in khilaaf iyo is-afgaran-waa lagu kala aragti duwanaada ay tahay wax caadi ah, balse xal iyo dawada khilaaf kasta oo jira laga gaadhi karo ay guushu ku jirto.

HALKAN KA DAAWO