“Waxaan u Taaganahay in aan ka Qaybgalo Tartanka Xisbi Xaakimka Dhexdiisa” Xoghayaha Guurtida

Hargeysa(SLpost) – Xoghayaha guud ee aqalka guurtida Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay ku shaaciyay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne xigeenka Kulmiye “Waxaan awalba si dadban ugu jiray siyaasadda, maadaama goleyaasha sharci dejintu yihiin goleyaal siyaasadeed. Haatan waxaan doonayaa inaan si rasmi ah uga qayb qaato siyaasadda, waliba qaybta hogaaminta sare,” ayuu yidhi Xoghaye Cabdillaahi.

 

 

Xoghayaha guurtidu wuxuu sheegay inuu doonaya ka qayb qaadashada horumarka Somaliland ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee bulshada “Waxay iila muuqatay  anigoo ku xisaabtamaya waayo aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay waddanka iyo rabitaanka aan u leeyahay jiritaankiisa iyo horumarkiisa oo aan wax ka gaysan karo. Sidaasi darteed waxaan u taaganahay inaan ka qayb galo tartanka xisbi xaakimka Kulmiye dhexdiisa. Waxaan ka qayb gali doonaa loolanka musharaxnimada madaxweyne xigeenka ee Kulmiye,” ayuu yidhi Mr Cabdillaahi.

 

 

Xoghayaha guurtida ayaa sheegay in asxaabtiisa, waxgarad iyo qaybo bulshada ka mid ahi ku dhiiri galiyeen ka qayb qaadashada talada wadanka. Waxa uu sheegay inuu hankiisa iyo qorsheyaashiisa siyaasadeed ku faahfaahin doono munaasibado uu dhawaan qaban doono.