“Waxaan leeyahay jaadkan joojintiisu ha danbaysee dawladu ha joojiso subaxan uu soo galaayo..” Cabdikariin Mooge

 

 

Hargeysa(SLpost)-Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xukuumadda su’aalay sababta uu u shaqaynwaayay go’aankii laga soo saaray jaadka ee sheegayay in aanu magaaladda soo gali karin ka hor labada duhurnimo.

Waxa uu xukuumada fariin ugu diray in loo baahan yahay wakhtigan in dalka laga qabto wakhtigan aadka u horeeya ee uu jaadku soo galaayo.

Waxaanu arimahan kaga hadlay xaflad lagu soo bandhigaayay buuga Kadab-gooye oo jaadka iyo dhibaatooyinkiisa laga qoray, waxaan erayo kooban oo aanu ka soo qaadanay hadalkiisa ay u dhignaayeen sidan “Dawlada xagadanbe la marin maayo, umadi haday waydo dawlad xaga hore marta oo dadkeeda kaxaysata dadku waa uu lumayaa,xisbiga Kulmiye markii ay dalka qabsadeen maxaanu balanqaadnay, labada duhurnimo ilaa ay gaadho jaadku ma soo galayo, baarlamaanka ayaa la geeyay oo waa la ansaxiyay, waayo uu maanta shanta subaxnimo u soo galaa, dawladu hayswaydiiso sababta sharcigaas uu u fuliwaayay, ma dib ayaynu u soconaa? hadii aynu dib u socono meelna tagimayno, joogtayntu dawladnimada waa ka muhiim, go’aanada la gaadho waa inay dhaqangalaan, sharci kale oo buriya mooyaane waxii sharci ah waa sharci, waxaan leeyahay jaadkan joojintiisu ha danbaysee dawladu ha joojiso subaxan uu soo galaayo oo waliba afarta halgeeyo wakhiga uu soo galaayo.”

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost