“Waxaan jecel nahay dadka reer Sool in ay soo degaan caasimadda Hargeysa” – Maayir Mooge

Hargeysa (SLpost)- Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay warar been abuur ah oo maalmahan la isla dhex marayay baraha bulshada oo sheegayay in dad ka soo jeedda gobolka Sool ay ka qaxeen Hargaysa.

Wararkaasi ayuu maayarku ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana caasimadda Hargaysa aan dhibaato loogu gaysan Karin qof reer Sool ah ama qof Soomaaliyeed meesha uu doona ba ha ka soo jeedee.

Cabdikariin Axmed Mooge, oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in aan dadka reer Sool cidi ka sheegan Karin Hargaysa oo ay ku noolaan karaan cid wax ku yeeli kartaana aanay jirin, isla markaana ay haystaan damaanad buuxda oo ah in ay ku noolaan karaan.

Sidoo kale maayarka Hargaysa waxa uu soo dhaweeyay xataa cid kasta oo danaynaysa ama damacsan in ay soo degto caasimadda Hargaysa, in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan oo cid ka leh ama ka sheegan kartaa aanay jirin.