“Waxaan ahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka kama tirsani isbahaysi…”Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa daboolka ka qaaday in aanu wakhtigan ka mid ahayn isbahaysiga Kulmiye, isla markaasna uu dhamaaday loolankii arintaas sababay.

Baashe Maxamed Faarax oo wakhtigan u tartamaaya inuu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa haatan xiiso weyn u qaba inuu u janjeedhsado dhanka xukuumada si looga taageero loolanka golaha gudihiisa.

Baashe oo la hadlaayay Tilifishanka Royal waxa uu yidhi”Waxaan ahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka kama tirsani isbahaysi, ninbaan codsiinayay cidkiina waa uu dhamaaday, isbahaysiga cidii aad doonto wax ka waydii laakiin aniga waxaad wax iga waydiinaysaa golaha baarlamaanka.”