“Waxaan ahay Faqiir, laakiinse waxaan ahay nin qabkiisa ilaashanaya” – Khudbad Garnaqsi ah oo M/weyne Biixi ka jeediyey Nairobi

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad garnaqsi ah oo uu ku soo bandhigay horumarka iyo nabadda ay Somaliland ku tallaabsatay ka jeediyey munaasibad casho-sharaf ah oo raysal-wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, uu xalay ku maamusay madaxweynaha iyo weftigiisa oo Caasimadda Nairobi ee Kenya ku sugan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu isbar-bardhigay horumarka nabadeed iyo dowladnimo ee ka jira Somaliland oo aan taageero dhaqaale ka helin dibadda iyo fashilka maamul ee Soomaaliya oo haysata taageerada beesha Caalamka.

“Waxaanu Caalamka u sidnaa inaanu ka socono dal soddon sanno (30 sanno) jiray oo madax-banaan oo iyagu dalkooda maamusha oo nabad ku noolaa saddon kaa sannadood oo jaarkana nabad-geliya adduunkana nabada qeyb badan ugu deeqa adduunka oo dhan oo gudahooda wixii shaqaaqo ahna iyagu xalista, oo aan adduunku xidhiidh la lahayn hay’addaha lacagaha adduunka haya sida World Bank iyo hay’adda kale aanu mid wax deyn ah ku lahayn midna caawin soddonkaa sannadood, dawlaha caalamka oo dhan ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaana midina aanay deyn u sheeganayn oo haddana soddonkaa sanno horumar weyn sameeyey dhinac walba, xagga horumarka dhaqaale, tacliinta, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo horumarka bulshadaba, ayaanu ka nimi oo aanu adduunka u sheegaynaa oo aan in badani oggayn laakiin reer Kenya aad ay u ogyihiin.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa, waxa uu yidhi, “Caalamka waxaan u sheegayaa caawana aan idiin cadaynayaa inaanay Somaliland ahayn dad dal ka goostay oo Qaran ka goostay oo jebinaaya sharciga u dhigan Midowga Africa, Somaliland waxay ka noqotay midowgii fashilmay dawaladii burburtay 1991-kii ay hore ugu midoobeen laba dawladood oo xora oo ay mid ahayd tii Talyaanigu gumaysanaayey midna ahayd tii Ingiriisku gumaysanaayey oo si xora u midoobay, midowguna ka fashilmay markay soddon sanno mid ahaayeen, Somaliland markaa waddo gaaray qaadatay waxa ay dhisatay dawladd waxay dawladaasi ka abuuran tahay dadka oo soo dhisay dawladd dimuqraadi ah saddex Madaxweyne ayaa doorasho isku bedelay oo si nabada awoodda isugu wareejiyey, maanta Somaliland waxaa ka socota doorashadii golaha wakiillada iyo dawladaha hoose oo diiwaan gelinta codbixiyayaashu hadda ka socoto Somaliland oo dhan oo aanay cidina ka caawinayn Insha allaah doorashadaana qaban doonta bisha May sannadka soo socda ee 2021-ka.”

“Waxa weeye Binu-aadamigu hadduu goosto inuu sharaftiisa ilaaliyo oo ah halku dhiga Somaliland ‘Waxaan ahay Faqiir laakiinse waxaan ahay nin qabkiisa ilaashanaya’ taasaan dalka ku dhisanay, Ilaahay mahadii waxaanu leenahay dad baayac mushtar ah oo xooga oo kartida iyo hal-buurida leh oo sameeyey shirkado maanta ah kuwa ugu horeeya xagga isgaadhsiinta xagga xawilaada lacagaha oo soo jiitay hay’addo Caalamiya oo ah baayac-mushtar ah oo ku dhiiraday Somaliland markay arkeen inaan cidina Ictiraafsanayn, inay maalgeliyaan lacagtooda ka badan malaayiinta oo ay ka mid tahay DP World oo ah Shirkad Caalamiya oo ku dhiiratay inay dhisto Dekeda Berbera oo ay ka dhigto kuwa ugu waa weyn Caalamka, taasoo ay ku dhiiradeen markay arkeen siday Somaliland isu dhisayso  dawladdo kale oo badanina hadda ay ku jiraan inay heshiis la galaan.”

“Markii ay Somaliland wadadaa qaaday kuwii aanu midownay 1960-kii ee aanu 1990-kii ka baxnay markii ay duntay, aanu annagu nidhi iskayo ayaanu u tashanaynaa saddonkaa sanno iyagu maxay qabteen oo run ah? Waxay qabteen soddonkii sanno waa isdilayaan waxaa wadankooda ka abuurmay Budhcadnimo oo caalamka oo dhami usoo gurmaday, Xamar caawa cid xukunta la garan maayo ma bulshada caalamka xukunta? Ma kuwa dhex joogaa xukuma? lama yaqaano haddana waxaa la yaab leh Caalamku abaal gud buu u siiyey aqoonsigii naga dhaxeeyey waxay ku abaal mariyeen kuwaa ku fashilmay inay dalkooda maamulaan, waxaana laga indha qarsaday in Ictiraafka qeybtoodii la siiyo kuwaa dalkoodii dhistay, waana waxyaabaha lays waydiinayo Madaxda Caalamka ee ay ugu horeeyaan kuwa Africa  sida IGAD, AU tolow indhahoodu sidee bay wax u qiyaasaan waa ta aanu imika waydiinayno ninkasta oo African ah oo aan u taggo, ma ninkii saaqiday ee baabiiyey ee Caalamkana dhibaato ku abuuray ayaa la abaal marinayaa oo la aqoonsanayaa mise kii wax dhisay? Waa su’aasha aanu Caalamka weydiinayno Somalilanders kuna waydiiyaan cidkasta oo ay la joogaan.