“Waxaan Ahay Ardaygii Reerka, Waxaana Wax I Baray Macallinkii Reerka Oo Axmed Saleebaan Dafle Ahaa.” Wasiir Waracade

Hargeysa  (SL.Pots) Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay sadarro taariikhdiisa hore ee noloshiisa ku jira oo la xidhiidha shaqooyin aanu inta badan afkiisa ka qiranin oo uu ka hayn jirey rajiimkii burburay ee Somaliya ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

 

 

 

 

 

Wasiir Waran-cadde oo ka hadlayay Hadhimo-sharafeed hoggaanka xisbiga KULMIYE ku casuumay waxgarad iy cuqaal kasoo jeeda deegaanada bariga dalka, ayaa qirtay inuu ahaa arday uu soo barbaariyey taliyihii ciidankii sirdoonka dawladdii Soomaaliya sarreeye guuto Axmed Saleebaan Dafle oo ay shacabka Somaliland aaminsan yihiin inuu hormood ka ahaa cabudhintii iyo dhibaatadii ay dawladdaasi u geysatay.

 

 

 

 

Wasiirka ayaa isagoo ku faanaya inuu kusoo hoos barbaaray Taliye Axmed Saleebaan Dafle, isla-markaana odayaal iyo waxgarad ay taliyahaas isku deegaan yihiin u muujinaya inuu ku faanayo, waxana uu yidhi, “Waxan ahay Ardaygii Reerka (Dhulbahante), waxa wax I baray macallinkii Reerka oo Axmed Saleebaan Dafle ahaa.”

 

 

 

 

Wasiir Cali oo hadalkiisa sii wata, ayaa sidoo kale ku faanay inuu xubin ka ahaa dawladdii shacabka dhibka badan u geysatay oo uu wax badan lasoo qabtay,“Anigu laba macallin baan lahaa oo mid Axmed Saleebaan Dafluu ahaayoo aniga oo yar buu isoo bar baariyey, dabadeedna waxan noqday Arday naajix ah, mar dambe oo aan weynaaday oo jaamacaddii wax yari iiga dhiman yihiin ayaa ninka Muuse Biixi la yidhaahdaa gacanta I qabtay.” Ayuu yidhi wasiir Cali Maxamed Waran-cadde.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa.