“Waxaa La Isku Xidhayaa Gobolkii Gabiley Waad Mudaharaadi Gaadheen” – Waalidka Dhalinyaro laga soo xidhxidhay Kalabaydh

Hargeysa (SLpost) – 12 Dhallinyaro ah oo loo haysto cabasho iyo mudaharaad ayaa loo soo dhaadhiciyay Jeelka Hargeysa ka dib markii laga soo qaaday Khamiistii Gabiley.

 

Dhalinyaraddan ayaa laba ka mid ah waxaa la xidhay 22 kii bishii dhamaatay ka dib markii ay dareenkooda ka dhiibteen su’aalo laga weydiiyay cisbitaalka magaallada Kalabaydh. Halka toban oo dhallinyaro ah, islamarkaana u badan ehelka labada hore ee la xidhay na laga daba- geeyay iyadoo lagu eedeeyay inay waqti habeennimo ah mudaharaadeen.

 

“In cid la xidhaa dhib maaha, laakiin, Dhowr arrimoodba waan la yaabnay, kow innamada hore ee la xidhxidhay haddaad eegto hadalkooda wax qof lagu xidho ma ay odhan. Waanad daawan kartaan Youtube-ka ayay ku jiraan waxay yidhaahdeen Wasaaradda caafimaadka waxqabadkeedu ma badna, Cisbitaalka Kalabaydhna wuxuu u baahan yahay shaqaale oo xataa dawooyin yar oo ay dhawaan keentay wasaaraddu cid bukaanka noo siisaa ma joogto. Markaa sababta marka koowaad ba loo xidhxidhay waanu la yaabay.

 

Waxaa kale oo aanu la yaabnay in dadkii cabashada la weydiiyay ee shacabka ahaa Macalin Khadar Siciid Muxumed iyo Mustafe Axmed Sheekh Maxamed oo kali ah loo bartilmaameedsaday ee Mandheera loogu diray, kii duubay hadii ay danbi tahay cabashadu iyo kuwii weheliyayna loo sii daayay. Ta kale, ee aan la yaabnay waxaa weeye nooca xukunka oo la yidhi waxaad wadeen kicin dadweyne ee lama odhan hadalkiinu been buu ahaa.

 

Ta kale, waxaan la yaabnay toban kale oo dhallinyaro ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin labadda hore ee xidhanaa ayaa laga daba geeyay oo la yidhi waa dadkii aad kiciseen oo habeennimo ayay mudaharaadeen iyaddoo aan la cadayn oo xaafadahooda uun laga soo ururiyay inta magacyadooda la qorqoray markaa waxaanu is nidhi ma waxay u jeedaan, waxaa la isku xidhayaa Gobolkii Gabiley waad mudaharaadi gaadheen. Ta kale, waxaa la yidhi bil ayaa la idinku xukumay Haddana Gabilay waa laga soo dhaadhiciyay oo bishii kala badh baabay xidhan yihiine waxaa lagala doonayo Mandheera ee Jeelka Hargeysana loogu sii dhixiyay iyana waan ka yaabnay, waxaan u aragnaa in Maayarka Gabiley, Taliyaha booliska iyo Badhasaabku ay kicinayaan dadka.

 

Waxaanan ku soo koobayaa Tix uu lahaa Abwaan Gaarriye Alla ha u naxariistee waxaa uu yidhi Maantiyo berriba, Malafsade ha dhaco; Xalaal-maal hajiro; Dadku waa masee Ha mudh-baxo cadligu” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah waalidka dhallinyaradan xidhxidhan oo warbaahinta la hadlay.

 

MUUQAALKA HADALLADA LAGU XIDHAY DHALINYARADA