“Waxa muuqata in cadowgeenu inoo soo tafa-xatay oo shaki layna kala geliyo..” – Siyaasi Cali Waran-cadde

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inuu mustaqbalka u tartami doono hoggaaminta Xisbiga talada haya ee Kulmiye kaddib muddo-xileedka guddoomiyenimo ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cali Maxamed Waran Cadde ayaa hadalkan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku beeniyey warar lagu sheegay inuu ka biyo-diiday soo-jeedin loogu soo bandhigay inuu mustaqbalka majaraha u qabto hoggaaminta xisbiga Kulmiye.

Waxa uu siyaasigu sheegay inuu aad uga xun yahay warka laga faafiyay oo uu ku tilmaamay inuu qayb ka yahay dadaal loogu jiro sidii la isaga horkeeni lahaa loona kala qaybin lahaa bulshada Somaliland.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Siyaasi Waran-cadde

Waxaa uu sheegay inuu hay’adaha nabad-gelyada ka codsaday baadhitaan lagu sameeyo ciddii faafinta warkaasi ka dambaysay, si tallaabo sharci ah looga qaado.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Wara-cadde, waxa uu markii u horeysay sheegay inuu ku han-weyn yahay inuu u tartamo hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On