“Waxa loo Tartamayaa Suuqa Itoobiya, Xasan Sheekh waa kii yidhi ha Qaadato Saldhig iyo Deked bilaasha oo ha ka Timaaddo Somaliland” – Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in dalalka Geeska Afrika tartan ugu jiraan suuqa dalka aan badda lahayn ee Itoobiya oo tirada dadkiisa lagu qiyaaso 120 Milyan oo Qof.

Wasiir Cali Mareexaan oo hadal ka jeediyey Kulan Afur iyo casho-wadareed oo uu la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, waxa uu ka hadlay hirdanka dalalka Geeska Afrika ee ku wajahan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqa xaamiga ah ee Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn (land locked country).

“Dunidu tartan ayey ku jirtaa, oo ganacsiga ayaa tartan ku jira. Qof waliba inuu dadkiisa  shaqooyin u abuuro ayuu doonayaa. Innagu (Somaliland) waxaynu is afgarad la soo saxeexanay Itoobiya oo juquraafi ahaan aynu aad iskaga dhow nahay Soomaalida kale. Waxa aynu magaalo madaxda gobolka Soomaalida ay xadka Somaliland u jirtaa 50km, markaa waxa iskaga keen xidhan soohdimihii nolosha,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Isagoo ka hadlayey tartanka dekaduhu ugi jiraan Itoobiya wuxuu yidhi; “Itoobiya waa 120 milyan oo qof oo aan bad lahayn. Geeska Afrika oo dhammi waxay u ordayaan inay helaan suuqaas ballaadhan ee Itoobiya. Dekedda Boosaaso iyo Garacadway ku jiraan tartankaas. Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu lahaa maalmihii u dambeeyay wuxuu lahaa ‘Itoobiya ha qaadato saldhig iyo deked bilaasha ee ka kaalaya Somaliland’ Farmaajo isna hore wuxuu u yidhi waxaannu Itoobiya siinay afar dekedood”.

“Suuqaas ayaa la isku haystaa ee waxa dalkaaga u soo kordhaya yaan lagaaga dhigin in baddii la iibinayo. Cid waliba iyadoo u dhukusaysa Itoobiya yaan laguu afmiishaareyn,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net