“Waxa laysheegayaa in Golihii Baarlamaanka RRU-dii u dhacday sidii Guryaha” – Cirro

“Muranka Golaha Wakiillada ka taagan, muran jira maaha, waa muran Madaxtooyada laga soo tahriibiyey” – Guddoomiye Cirro.

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo, ayaa sheegay in Xukuuumaddu la wareegtay gacan ku-haynta Xarunta Baarlamaanka Somaliland, gaar ahaan Golaha Wakiillada oo maalinta Sabtida ah uu ka furmayo Kalfadhiga 26aad ee Golahaas oo Ajandayaal xaasaasi ah lagaga doodayo.

DSC03247Guddoomiye Cirro oo maanta ka hadlay munaasibad xisbigiisu taageeraal cusub u qabtay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo uu socdaal olole siyaasadeed ah ku tagay, waxa uu sheegay in xarunta golaha Wakiillada laga qaaday Ciidamadii booliska ahaa xaruntaas Ilaalinayey isla markaana ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Gurmad deg-degga ah qaabilsan ee loo yaqaano RRU, waxaanu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay inay u gurmadaan xarunta Golaha Wakiillada ee xukuumaddu la wareegtay.

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET