“Waxa innagu Qasab ah inaynu Asbaabta Caalamku la yimi la nimaadno” – Taliyaha Booliska Somaliland oo Awaamiir Culus soo saaray

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeya Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in ciidanka Boolisku beegan dheeraad ah ka galayaan ilaalinta Amniga xilliga bisha Barakaysan ee Ramaadaan iyo ilaalinta Awaamiirta ay soo saareen Guddiga ka-hortagga cudurka Covid-19.

Taliye Daba-gale oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu faray ciidanka Booliska inay sii kordhiyaan hawl-gallada ilaalinta ammaanka ee gudaha magaalooyinka iyo Xuduudaha dalka, isagoo xusay inay ciidan ahaan diyaar-garow dheeraad ah ka galeen xoojinta ammaanka wakhtigna lagu jiro xaaladda Xakamaynta Xannuunka iyo hawl-gallada ammaanka ee Bisha Barkaysan ee Ramadaan.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Taliyaha oo Qodobbo kala duwan taabanaya

https://www.youtube.com/watch?v=gM-qeeceEVM

Advertisement