“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas si nabadgelyo ah ku dhammayno in qof kasta oo adduunka ka mid ahi…” – Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin ku aaddan hab-sami u qabsoomidda doorashada la wadaagay shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay si nabad ah u codeeyaan doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo Somaliland leedahay.

Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka oo ay saddexda xisbi ka mid yihiin ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashada, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqada ay qaranka u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen.

“Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah, ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya, inay talo midaysan iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo wax wada qabsi yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa oo yidhi, “Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.”

Md Muuse Biixi waxa uu farriin u diray Dhallinyarada dalka, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse oo ka hadlayey midho-dhalka laga dhaxli doono doorashadan oo habsami ku qabsoonta, waxa uu yidhi, “Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas si nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net