Wax badan ka ogow Ganacsiga Suuqa Sarrifka ee Forex iyo Qaabka looga shaqaysto

 

Foreign Exchange ama Forex waa Suuq Sarrif online ah, kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku bedeshid lacag kale adiga oo adeegsanaya Internet-ka.

Suuq Sarifka online-ka ah waa xirfad caalami ah oo ay maalin walba Bangiyada iyo maalgashadayaasha shirkadaha leh iyo kuwa shacabka ahiba ay isku bedelaan Lacagaha kala duwan ee ay dalalku aduunku leeyihiin.
Suuq sarrifkan online-ka ahi waa suuqa ugu wayn aduunka, kaas oo maalin walba lagu kala wareejiyo lacag ku dhaw 6 Tirilyan oo Doolar. Sidaa darteed suuqaani waa qayb muhiim ah oo kamid ah dhaqaalaha dalalka lacagahoodu qiimaha ugu sareeya joogo, waxaana maalin kasta socda dagaal dhaqaale oo u dhexeeya dalalkaas, si uu dal walba u ilaashado in qiimaha lacagtooda aysan hoos u dhicin, taasi oo keenaysa in ay si joogto ah ugu lug lahaadaan suuq sarifka online-ka ah.

Suuqan ayaa soo jiray boqolaal sano, isaga oo soo maray marxalado kala duwan oo ay midba heer tahay ilaa iyo ta hada uu marayo ee sahashay in cid walbaa ka shaqaysan karto.

Sidee buu u shaqeeyaa suuq sarifka online-ka ah ee Forex?

Qaabka uu suuqaani u shaqeeyo waa in aad soo gadatid lacag marka qiimaheedu hooseeyo aadna iska gaddid marka qiimaheedu kor u kaco oo ay ka saramarto intii aad awal ku gadatay. Ama in aad lacag iska gaddo marka qiimaheedu sarreeyo oo aad soo gadato marka uu dhaco si aad isaga iibisid marka uu kaco. Suuqaan waxaa lagu kala gataa waddan walba oo jira lacagtiisa oo iyada oo Digital (Electronic) ah ayey ku jirtaa, waxaase ugu badan lacagaha lagu kala gato kuwa waddamada waaweyn oo xogtooda dhaqaale la hayo.

Suuqani waxa uu shaqeeyaa Shan maalmood oo Isniin ilaa iyo Jimce ah, isaga oo furan 24-ka saac ee shantaas maalmood.

Yaa ka shaqaysan kara Forex?

Xilliyadii hore suuqaan waxaa ku hardami jiray oo kaliya xoog waynta dawladdaha iyo Bank-yada, balse xilliyadan dambe waxaa gacanta la soo galay shirkado gaar loo leeyahay iyo shacab, kuwaas oo danaynaya in ay qayb ka noqdaan kana shaqaystaan awooda lacageed ee la isku waydaarsanayo suuqa ugu wayn dunida ee Forex, iyadoo ay u sahleen wax loogu yeedho Brokers ama Dulaaleey, kuwaas oo isku xidhaya suuq sarifka online-ka ah iyo sariflayaasha sida shakhsiga ah uga shaqaysta. Saa darteed ma jirto wax kuu diidaya in aad ka shaqaysato Forex.

Maxaa lagaaga baahan yahay si aad qayb uga noqoto dadka ka shaqaysta Forex?

Qofku marka uu bilaabayo ka ganacsiga suuqaan waxaa looga baahan yahay dhawr qodob oo muhiim ah:

1. In uu haysto sidoo kalana yaqaano isticmaalka aaladaha “Internet-ka, Computer iyo Mobile”.
2. In uu aqoon u leeyahay qaabka looga shaqaysto suuqaan ama uu barto ka ganacsiga suuqaan, waa Forex’e.
3. In uu akoon ka furto Dulaalaydii ama Brokers-kaan horay usoo sheegay, kuwaas oo kugu xidhiya suuq sarifka online-ka ah ee Forex.

Qodobadaan aan kor ku xusay, waa inta ugu muhiimsan ee ay waajibka tahay in aad haysato si aad uga shaqaysato Forex, balse waxaa jiri kara shuruudo kale oo lagaaga baahan karo. Tusaale; Si aad Brokers-ka ama Dulaaleyda aad akoon uga furato, waxay kaaga baahan yihiin shuruudo iyaga u gaar sida Baasaboor, Koonto Banki oo caalami ah, Waraaq caddayn deegaan ah, Mastercard ama VISA-card.

Ugu dambayn diinta Islaamku maxay ka qabtaa ka ganacsiga suuqaan Forex?

Qodobkan ka ganacsiga suuqa Forex waxaa ka hadlay culumo badan oo ajaanib iyo Soomaaliba isugu jira, kuwaas oo aan ilaa iyo hada hal dhinac isku raacin, iyadoo qoloba dhankeeda sida ay la tahay ujiiday. Inkastoo wadaadada xaaraantimayay aysan badnayn, hadana wali waa qodob aan dhinacna u dhicin oo ay culumadu isku khilaafeen.

Culumada Soomaaliyeed ee xaaraantimeeyay ka ganacsiga suuqaan waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Cabdi “Umal” oo aad wada garanaysaan, inkastoo shiikhu uu u muuqday mid aan si wacan u fahmin qaabka ay u shaqayso Forex, hadana waan ku ixtiraamaynaa go’aankiisa.

Sidoo kale, ka ganacsiga suuqaan waxaa xaaraantimeeyay, qaabkay doonaanba ha u dhigaane, culumo kale oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo muxaadaro ay kaga hadlayaan suuqa Forex ku qabtay masjidka Abuu Hurayra. Balse culumadani waxay wax badan dhanka fahanka iyo sharaxaada ay ka bixiyeen suuqa Forex ku dhaameen Sh. Umal oo ugu horeeyay xaaraantimaynta suuq sarifka online-ka ah.

Marka aan halkaa uga imaado labadaa muxaadiro oo lagu xaaraantimeeyay suuqan Forex, iyaguna waxaa jira culumo kale oo iyana dhankooda xalaaleeyay ka gancsiga suuqan. Waxaana ka mid ah Sh. Xassaan oo aad wada garanaysaan, isaga oo si tushuush ku jirin u xalaaleeyay. Sidoo kale culumada xalaalaysay waxaa ka mid ah Sh. Cusmaan Usuuli iyo Sh. Axmed Jawhari.

Sheekh Cabdi Xirsi, Waa Sheekh cilmiga diinta leh, sidoo kalena ah Aqoonyahan ku Xeeldheer dhaqaalaha, khaas ahaan dhaqaalaha Online-ka ah, Tiknoolajiyada casriga ah iyo cilmiga IT-ga, jaamacad ilaa heer Masters ahna uga baxay sida loo maamulo Online Business iyo E-commerce. Intaas kelliya maahee waxa uu haystaa Khibrad 19 sano ah oo ku Soo dhex jiray Suuqyada sarifka guud ahaantood iyo khaas ahaan Stock Market oo u eeg Forex-ta aan hada hadal hayno. Hadaba Sh. Cabdi Xirsi wuxa uu isna si aan madmadow ku jirin u xalaaleeyay ka xamaalashada suuqaan Foreign Exchange.
Shiikha ayaa kala saaray fikirka iyo dareenka culimada khaaska u ah iyo Sharci ahaanshaha marka shay diintu xaaraan ka dhigayso. Sidoo kale waxa uu muuqaalkaan kusoo bandhigayaa Cilmi baaris uu sameeyay iyo kutub uu isagu akhriyay iyo Culimada kale ee Islaamku wixii ay beri hore ka qoreen Forex.

Marka laga yimaado culumadeena Soomaaliyeed, iyaguna waxaa jira culumada Caalamka oo iyana si la mid ah kuweena isku khilaafsan suuq waynaha Forex.

Hadaba marka ay halkaa marayso waxaa kuu cadaatay in ka ganacsiga ama ka shaqaysiga suuqan Forex uu yahay “Masala Khilaafiyah” oo ay culimadu ku kala aragti duwan yihiin.

W/Q: Da’ud Galaydh
Email: Daauudgalaydh@gmail.com