Wasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarshada oo Dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah Wejiga 2aad ee Dhismaha Jidka Dawga-Cad (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Waxbarashadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta kormeer ku tagay Dhismaha Jidka Dawga Cad, ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah wejiga labaad ee dhismaha jidkaa ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa, taas oo lacagta ku baxaysa ay iska kaashadeen xukuumadda iyo Ganacsatada.

Wasiirrada Xukuumadda ka socday oo maanta socdaal ku tagay goobta ay ka socoto hawsha dhismaha jidka, ayaa munaasibaddii dhagax-dhigga loo sameeyey waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha guddida Dhismaha Dadada Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu u mahad-naqay masuuliyiintii dawladda ee halkaasi tagay, waxaanu sidoo kale sheegay in wixii dhaqaale ka soo gaadhay gudaha iyo dibada dalka ay ku wadeen hawsha mudadii ay socotay. “Dadka qurbaha iyo dalkaba jooga ee tabarucaadka Maalin walba ka geysta dhismaha dawga-cad, waxaanu tusaynaa in wixii ay noo dhiibeen aanu sidii ay ugu tallo-galeen uga soo baxnay oo aanaan shilin meel kale uga leexin oo xisaabtayadu furan tahay in la arko, shaqo wanaagsan inaanu qabanay ayaanu filaynaa, waxaanuna jecelahay inaanu dhamaystirno, waxa nasiib wanaag ah in dawladda iyo tujaartu ay lacag noogu tabaruceen oo aanu ka guddoonay,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xaashi Cilmi.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga ka hor ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu maanta guddida wadada dawga-cad dhisaysa kala soo qayb-galno oo runtii hawl aad iyo aad u wanaagsan qabtay, waxaanuna guddida iyo intii dhaqaale ku bixisayba ku bogaadinaynaa shaqada fiican ee la qabtay, waxayna muujinaysaa shaqada fiican ee la qabtay, dawlad ahaana waxaanu muujinaynaa inaanu taageersan-nahay oo aanu barbar taaganahay oo aanu wax kala qabsanayno.”

“Maanta (shalay) waxaynu dhagax dhigaynaa 4KM oo laba ka mid ah ay kala bixiyeen Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid (Somcable) iyo ganacsadaha kale ee Indho-birta iyo 2KM oo dawladdu bixinayso, taasina maaha wax istaagaya ee tani waa bilowgii insha Allaahu,” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey, “Waxaanan hambalyeynayaa haweenkii ururka GOBAAD ee bilaabay dhismaha jidkan.”

Waddada Dawga Cad ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa oo muhiimad gaar ah u leh isku-xidhka dalalka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa ahaa waddo ay dhibaato kala kulmi jireen gaadiidleyda u safra dalka Jabuuti iyo Xeebaha Galbeedka Dalka, waxaana inta badan ka dhici jiray shilal khasaare badan geysta, iyada oo jidku mari jiray dhul Buuraley ah.

Haseyeeshee, muddooyinkii u dambeeyey waxa hawl-ballaadhan oo banneyn ah iyo Jidka oo Laami laga dhigayo ka waday Ganacsatada, Shacabka iyo Qurbejoogta Deegaanka, waxaana hore u dhammaaday wejigii koowaad ee dhismaha Jidkaas oo Laami laga dhigay.

SOMALILANDPOST.NET