Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda oo Gabiley u Tagay Dhagax-dhigga Jidka isku xidha Kala-baydh iyo Tog-wajaale

Gebilay (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali Xasan iyo Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta booqasho ku tagay Magaaladda Gabilay si ay u bilaabaan qorshaha lagu dhisayo Jidka u dhaxeeya Kalabaydh iyo Wajaale.

Jidka Kalabaydh iyo Wajaale u dhaxeeya oo qiyaas ahaan dhan 19 Km, ayaa ah Waddo Carro-tuul ah, balse waxa ay sanadkan Xukuumadda Somaliland qorshaysay inay ka dhigto Jid Laami ah.

Dhismaha  lagu Hirgalinayo Waddan ayaa ah Qorshe Saddex Geesood ah oo u dhexeeya Somaliland, Midawga Yurub Iyo Itoobiya.

Socdaalka Wasiiradda Maaliyada iyo Madaxtooyadu ay ku tageen Jidka Kala baydh ayay ugu kuur galeen qaabka ugu haboon ee Hawshiisa loo bilaabi lahaa.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa hawl shaqo labadii maalmood ee ugu danbeeyay u joogay Kastamka Kalabaydh, iyadoo Ujeeedada Safarkiisu ay Salka ku hayo Xog ogaal u noqoshada iyo dardargalinta hawl maalmeedka Kastamkaasi iyo sida ay u socoto Cashuur Ururintu maadaama sanad cusub la galay.

Somalilandpost.net