Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha oo loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa guddoomiye iyo ku-xigeen cusub u magacaabay guddiga mihnadleyaasha Caafimaadka ee Qaranka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay qasriga madaxtooyada.

axmed odayWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magacabay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magacabay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                                   Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa

Markuu La Tashaday:                     Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:                         In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”