Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo sheegay in Shaqsi Dunida ku xidhi kara Somaliland ku dhex-jiro Musharrixiinta shaaciyey inay Madaxtinnimada KULMIYE u tartamayaan

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadda La-taliye u ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka dalalka Afrika, ayaa sheegay in caalamku u dheg-taagayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee Somaliland oo jecel yihiin inay wakhtigoodii ku dhacaan, haddii aanay ku dhicinna aan dhibaato imannin.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta la hadlay Horn Cable TV, waxaanu sidoo kale ka hadlay Xubnaha shaaciyey inay u tartamayaan Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE marka xil-haynta Madaxweyne Siilaanyo ee markiisa labaad hadduu ku guulaysto dhammaysto, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo uu sheegay inuu yahay nin ku habboon jagada Madaxweyne oo dalka iyo dadkuba aad ugu baahan yahay sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO