Wasiirkii Hore ee Caddaaladda oo Wareejiyey Xil uu Sheegay in aannu Horaba u Hayn

Hargeysa(SLpost) – Wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaraddaas loo magacaabay Mudane Caddare ayaa sheegay inaanu xafiiskiisii dib ugu noqon tan iyo markii uu iscasilay kadib markii madaxweynuhu amar ku bixiyay inaan wasiir kaliyi galin wasaaradda uu iska casilay.

 

Wasiirka hore ayaa sidoo kale sheegay in iscasilaadoodii si weyn loo buunbuuniyay. Waxa uu sheegay in warbaahinta dawladda iyo kuwa ay gacanta ku leedahay u turjumeen in masuuliyiinta iscasilay wadeen inqilaab ama qaranka ay duminayeen.

 

Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynuhu jabiyay qodob dastuuri ah oo tilmaamaya in wasiirka iscasila ama xilka laga qaaday sii haynayo xilka wasaaradda ilaa inta si rasmi ah loogala wareegayo, taasina aanay dhicine ciidan la wareegay wasaaradda.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Xilwareejinta oo Muuqaal ah:

Khudbadda Wasiirka Xilka Wareejiyey;

 

Khudbadda Wasiirka Xilka la Wareegay:

 

Somalilandpost, Hargeysa Office.