Wasiirkii Difaaca Hungary Oo Isku Casilay Arimo La Xidhiidha Qaxoontiga

 

Hungary(SLpost)-Wasiirka difaaca ee dalka Hungary, Csaba Hende, ayaa is casilay kaddib kulan ay golaha sare ee amniga ee dalkaasi ay yeesheen, kaas oo ku saabsanaa qulqulka muhaajiriinta.

150907114153_germany_welcomes_migrants_512x288_getty_nocredit

War qoraal ah oo dowladdu ka soo saartay arrintaasi laguma faafaahin sababta.

Balse wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu isu casilay dib u dhac ku yimid derbi dheer oo laga dhisi lahaa xadka uu dalkaasi la wadaago uu Serbia.Derbigaasi waxaa la filaayay in la dhammeeyo bishii la soo dhaafay.

Dhanka kale, boqollaal qaxooti ah ayaa waxa ay si xoog ah uga gudbeen qadadka booliska Hungary ee deegaanka Roszke, ee ku dhow xadka Serbia.Waxa ayna isugu tageen wadada ugu weyn ee aadda magaalada Budapest ee isla dalkaasi.