Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine Oo Shil diyaaradeed Ku geeriyooday

Kiev (SLpost)- Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dalka Ukraine Denis Monastyrsky, xigeenkiisii iyi 18 qof oo kale, ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay duleeka caasimadda Kiev.

Diyaaradda oo ahayd noocq Qumaatiga u oo ay lahayd wasaaradda Gurmadka degdegga ah ee Ukraine, ayaa ku burburtay magaalada Brovary oo ku taala dileedka Kiev, waxaana dadka geeriyooday ka mid ah saddex carruur ah.

22 Qof oo ay carruur ku jirto ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen burburka diyaaradda, sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka geeriyooday ayaa saarnaa diyaaradda oo ay la socdeen wasiirka Arrimaha Gudaha, ku xigeenkiisa iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda Daakhiliga Ukraine oo doonayay inay kormeer ku soo maraan fadhiisimada Ciidamada dalkas ku leeyihiin jiidda hore ee dagaalka u dhexeeya Ciidamada Ruuska.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku burburtay meel u dhow dugsi lagu barbaariyo carruurta yar-yar iyo dhisme dabaq ah Oo Qoysas deggen yihiin, kuwaas oo ku yaala badhtamaha magaalada Brovary oo 8 KM dhinaca Woqooyi-bari ka xigta caasimadda dalkaas ee Kiev.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Ukraine, ayaa sheegtay inay baadhitaan ku wadaan dhowr sababood oo keenay burburka diyaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cillad farsamo oo soo wajahday, inay diyaaraddu ku xad-gudubtay shuruucda dhinaca ammaanka maadaama dalkaasi ku jiro xaalad dagaal iyo in si ukas ah loo toogtay.

Denis Monastyrsky ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyey dowladda Ukraine ee geeriyooda intii uu socday dagaalka u dhexeeya labada waddan ee Ukraine iyo Russia.