Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo kulan la qaatay Dhiggiisa dalka Kenya iyo Qodobbo laga wada-hadlay

Advertisement

Nairobi (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Nairobi, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada Kenya Prof. George Albert Magoha.

Laba Wasiir oo ay weheliyaan Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Waxbarashada labada Waddan iyo Danjire Sharma’arke Geelle

Weftiga Wasiirka oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor iyo Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maxamed Saleebana iyo La-taliyaha Wasiirka Siciid Jaamac oo uu weheliyo Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya Sharma’ake Geelle, waxa ay kulan labada geesood ah xafiiskiisa kula qaateen Wasiirka Waxbarashada Kenya iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradaas.

Kulanka Labada Wasiir waxa lagaga wada-hadlay Xidhiidhka Waxbarasho ee labada dal iyo sidii dalka Kenya uga taageeri lahaa Somaliland dhinaca kaabayaasha Waxbarashada iyo nidaamyada Casriga ah ee  barashada iyo gudbinta Tacliinta aasaasiga ah dunida laga isticmaalo oo dalka Kenya ugu horreeyo dalalka qaaradda Afrika.

Advertisement
Ka Bilow Bidix: Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya

Kulankan oo noqonaya kii u horreeyey ee ay yeeshaan Wasiirrada Waxbarashada labada waddan ee Kenya iyo Somaliland, ayaa qayb ka ah heshiis ay dabayaaqada sannadkii 2020-kii magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye
Wasiirka Waxbarashada Kenya Prof George Albert Omore Magoha

Heshiiska labada Madaxweyne waxa qayb ka ahaa in labada waddan iska kaashadaan wax-qabadyada hay’adaha dowliga ah ee qaabilsan Horumarinta adeegyada Bulshada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement