Wasiirka Waxbarashada Oo Shaqadii Ka Joojiyay Agaasimaha Guud

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere),  ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimihii guud ee wasaaraddaas Abiib Axmed Cali.

 

 

Shaqo ka joojintan Wasiirku ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa la sheegay  inay ka dembeysay amar diiddooyin uu kaga dhego adaygay oo Wasiirku faray, kuwaas oo fuli waayay ka dib markii   uu is hor-taagay  habsami u socodka hawl-maalmeedkii Wasaaradda.

 

 

 

Warar ayaa intaas ku daraya in masuuliyiin xogo-ogaal u ah Wasaaradda Waxbarashada ayaa tibaaxay in shalay  Agaasimaha Abiib Axmed Cali markii   loo dhiibay warqada shaqo ka joojinta taasoo sida xoguhu tibaaxayaan inay sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Wasiirka waxbarashada iyo Agaasimaha guud

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa