Wasiirka Waxbarashada oo Safiir Galaal ku Eedeeyay in uu u Gacandhaafay Arrimaha Waxbarashada

Hargeysa(SLpost):- Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Mr. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi dheere), ayaa  dhaliilay safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya  Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo uu sheegay inuu faraha la soo galay shaqo aanu u xil saarnayn, waxaanu is weydiiyay xilliga danjiruhu isu bedalay  Wasiirka Waxbarashadda.

Wasiirka Tacliintu waxa uu ka xumaaday Danjire Galaal oo  toddobaadkii hore sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen Deeq waxbarasho oo Itoobiya siisay Somaliland.

Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxa uu arrintaas kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku  qabtay  xafiiskiisa, waxaanu sharaxay gefaf maamul oo uu xusay inuu ku tallaabsaday safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya.

“Safiirka Somaliland ee Addis-ababa  ayaa ka hadlayay deeqdaas  oo lahaa caddaalad baanu ugu qeybinay, dugsiyada hadlayayna qabyaalad bay ku hadlayaan, goormuu  isagu Wasiirkii waxbarashada noqday? goormuu isagu imtixaannada qaaday? oo uu ogaaday ka sarreeyay iyo ka hooseeyay? Arrimahaasi gef weeye. Haddii aan ka waramo wasaaradda arrimaha dibadda soo khalad maaha? Wuu na waydiin karaa wuxuu odhan karaa, wixii la ina siiyay siduu innaga noqday ama war iga soo siiya,wuu ina odhan karaa,waayo wuu inna metelaa oo magaceenna ayuu ku fadhiyaa Itoobiya. laakiin, caddaalad bay ahayd, annagaa qeybinay, kuwa hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan inuu yidhaahdo maaha. Goormuu (Safiirku)  isagu dadka Imtixaanaad ka qaaday, goorma ayuu natiijadooda soo saaray? Waar nin walba dariiqiisa inuu garto weeye,” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Deeqdii waxbarasho ee aynu ka helnay dalka Itoobiya waxay noqotay  50 arday,kontonkii ardayna way innoo qeybsami waayeen  kadibna waanu hakinay waxaanan uga gudubnay in aanu Jaamacadaha dalka ku qasabno in ay qaataan 336 arday oo u badan agoon iyo danyar aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka jaamacaddaha , taasna lagaga maarmo konton arday oo aan innoo qaybsamayn.”

 

Safiirka Somaliland ee u fadhiya dalka Itoobiya Mudane Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) ayaa hore uga jawaabay eeddo musuqmaasuq oo dugsiyada sare ee caasimadda qaar ka mid ahi ku sheegeen in lagu lunsadday deeqo-waxbarasho oo dawladda Itoobiya siisay, isaga oo sheegay in ay si cadaalad ah oo aan qabyaaladdi ku jirin u qaybiyeen.