Wasiirka Waxbarashada oo Sababo aan Munaasibad ahayn u nisbaysay shaqaalaha Ajaanibka ah ee hortaagan shaqo-abuurka Dhalinyarada Dalka ee Jaamacadaha ka baxday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaaca ka qaadday in sababta keenta Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgala Shaqaalaha ka shaqeeya Badankoodu iyo La-taliyeyaashoodu uga yimaaddaan dalalka dibedda, gaar ahaan waddanka Kenya ay tahay inaanay Dhalinyarada reer Somaliland ee waxbaratay ku fiicnayn ku hadalka Luuqadda Ingiriisida, taasina ay intooda badan ka reebtay shaqooyinka ay Ajaaneb-ku dalka ka qabtaan.

Hase-yeeshee, Wasiir Samsam waxay sheegtay si taas xal loogu helo inay Mashruuc Ardayda Dugsiyada sare Luuqadda Ingiriisida lagu barayo oo tijaabo ah ka bilaabayaan Fasallada koowaad ee Dugsiyada Sare ee Nuura-diin iyo 26-June ee magaalada Hargeysa, maaddaama oo ay liidato ama aanay Ingiriisida waddanka lagu dhigaa gaadhsiisnayn awood ahaan heerkii Ingiriisida aynu u baahannahay ee aynu kula tartami karno dalalka kale.

Samsam Cabdi Aadan“Waddankeenna berigii hore waxa aynu wax ku baran jirnay maynaan lahayn meelahan immika carruurta la geeyo, waxay ahaan jirtay ilmuhu inuu Qur’aanka barto, marku Qur’aanka ka soo baxo ee Iskuulka la qoro wax walba waxa lagu dhigan jiray Carabi, Ingiriisidana cashar ahaan baa loo dhigan jiray, marku Ardaygu Fasalka shanaad galo ayaa haddana wixii oo dhan Ingiriisi lagu bari jiray.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu daah-furay Mashaariicda Barashada Luuqadda Ingiriisida ee ay Wasiirku sheegtay inay tijaabo ahaan uga bilaabi doonaan dugsiyada sare ee Caasimadda laba ka mid ah.

Wasiir Samsam oo sii wadata hadalkeeda waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Markaa, Carruurta Ingiriisidooda iyo Carabidooduba aad bay u xoog waynaan jirtay, dabadeedna kii Carabi wax ku sii baranayaana halkaas ayuu ka sii wadi jiray isagoo seeska ka dhisan, kii doonaya inuu Ingiriisi wax ku bartana halkaasuu ka sii baran jiray, laakiin dawladdii Kacaanka ayaa beddeshay wixii oo waxa la yidhi Af-Soomaali.”

Samsam Cabdi Aadan waxay is-barbar-dhig ku samaysay sidii ay wakhtigoodii wax ku barteen iyo qaabka hadda wax loo barto, waxaanay tidhi; “Af-Soomaaligii mabaynaan ku khasaarin oo runtii anigu wakhtigaan baranayey Xisaabta waxa igaga adkaa saddex angal (threa angle) macneheedu wuxu yahay inaan barto, immika-se ilmaha yari markuu baranayo wuxu baranayaa Xisaabtii oo luuqad ahaan Soomaaligii ku salaysan, laakiin wixii kale Af-Soomaali buu ku yaqaannaa, yacnii waxa weeyaan Af-Soomaaligeennii in la qoray khasaare may ahayn oo waxa weeye Carruurteenna Af-Soomaaligoodii baa xoog ah, markuu xoog yahay waxbarashadii kalena way iska hawl-yar tahay.”

Mar ay Wasiirka Waxbarashadu ka hadlaysay sida Luuqadda Ingiriisidu dunida u qabsatay, waxay tidhi; “Waxaynu u baahannay Adduunka, Ingiriisidu waxay noqotay Luuqad caalami ah, adduunka meeshaad tagtaba Ingiriisi baad isku af-garanaysaan dadkii, markaa Ingiriisidii in la soo celiyo oo wax lagu barto innagoon afkeennii kale ee Soomaaligeenna iyo Carabada-na aan ka ka tagaynin ee labadiiba aan u baahannahay weeye, Carabada in iyana aad loo barto oo si Diinteennu  u adkaato in Carabiga la barto weeye, Ingiriisidana la xoojiyo.”

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay si loo xoojiyo aqoonta luuqadda Ingiriisida, inay Mashruuc tijaabo ah qaabka loo baranayo oo ay dhigayaan Macallimiin heer caalami ah oo aqoon u leh ka bilaabi doonaan Dugsiyada Sare ee 26-June iyo Nuura-diin ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay xustay in lagu bilaabi doono Fasallada koowaad ee Dugsiyada sare muddo sannad ah si wax looga ogaan karo is-beddelka ay dhinaca awoodda Ingiriisida iyo ku hadalkeeda ee Ardayda.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo sharraxaysay sida lagu xoojin karo awoodda ku hadalka Luuqadda Ingiriisida ee dhalinyarada reer Somaliland iyo qorshaha uga meel-yaalla waxay tidhi; “Ingiriisida la xoojinayaa markaa waxa weeye, waxaannu ku talo-galnay in aynu Mashruuc ku eegno Form 1 (fasallada koowaad) Ardayda dhigataa siday wax u baranayaan, labada Dugsi sare waxa weeyaan Dugsiga Sare ee Nuura-diin iyo 26-June, Fasallada Koowaad ayaa laga bilaabayaa, sannadkaasaa la eegayaa, waxa u dhigaya Ingiriisiga Ardayda Macallimiin aqoon u leh luuqadda, immika Macallimiinta Ingiriisida u dhigta Ardayda Dugsiyada sare illeen immikaba Ingiriisida Dugsiyada sare waa lagu dhigaaye, waa Macallin isaguba sidan wax ku soo bartay, oo Ingiriisidu dhigayey markaad eegto maaddo kasta hallagu dhigee Ingiriisidii aynu u baahnayn ee adduunka aynu kula tartamaynay maaha.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam.

“Ingiriisida Dusgiyadeenna lagu dhigaa maaha mid aynu kula tartami karno dunida shaqaaleheeda, immika Kenya markaad eegto Shaqaalaha La-taliyeyaasha ah (ee Hay’adaha dalka jooga ka shaqeeya), ee Kenya ka yimaaddaa dee way innaga Ingiriisi wanaagsan yihiin ee innagama aqoon badna, Ingiriisidii markay innagaga wanaagsan yihiin, Shaqooyinkii ay qaadan lahaayeen dhalinyaradeenna la aqoonta ahi waxa ka reebaysa Luuqadda Ingiriisida, si aanay taasi innoogu dhicin waxaynu samaynaynaa Mashruucan uu innoo keenay Illaahay haka jisaa’i siiyee Bilaal Philips, oo waddamo Afrika ah loogu talo-galay oo Diinta laga eegay oo laga saaray wixii dhaqan-xumo Ingiriisidu wadato ama Diinteenna aan waxba innaga anfacaynin ee iyaga dhaqankooda ah.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

SOMALILANDPOST.NET