Wasiirka Waxbarashada Oo Magacaabis Cusub Sameeyey Xilli Khilaaf ka jiro Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa sii huriyey khilaaf ugub ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex-qarxay Wasaaraddaas, kaddib markii uu wasiirku maanta magacaabis cusub sameeyey.

Khilaaf ba’an ayaa ka dhex-qarxay Wasaaradda Waxbarashada kaddib markii uu Wasiirka Waxbarashadu toddobaadkii hore xilka ka qaaday Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, waxaanu beddelkiisa booskaas u magacaabay Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Cabdiqaadir Jeex.

Xafiiska hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa wasiirka waxbarashada ka dalbaday inuu hakiyo go’aanka xil-ka-qaadista iyo isku beddelka masuuliyiinta si ay u dhammeystiraan baadhis uu hanti-dhowrku ka waday gudaha Wasaaradda Waxbarashada.

Hanti-dhowrku wuxuu sheegay inay tallaabada wasiirku qaaday caqabad ku noqonayso baadhis ay ka wadeen xafiiska Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Haddaba, iyadoo khilaafkaasi jiro, waxa uu wasiirka waxbarashada Somaliland Sabtidii shalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga sare ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ka kooban 13 xubnood, kaas oo uu guddoomiye u yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas.

Wareegtada Wasiirka oo sii hurinaysa khilaafka ka taagan xilka xafiiska imtixaanaadka, ayaa soo baxday Sabtidii shalay saacado kaddib markii uu warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo go’aanka wasiirku xilka kaga qaaday ku tilmaamay maamul-xumo ka jirta wasaaradda Waxbarashada, waxaanu sheegay inaanay jirin meel loogu soo gudbiyey digreetada ka soo baxday xafiiska Wasiirka.

Guddoomiye Daa’uud oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inaanu wasiirku awood u lahayn inuu xilka ka qaado isagoo hadalkiisaas u cuskaday wareegto uu madaxweynaha Somaliland sannadkii hore ku madax-bannaaneeyey xisaabaadka xafiiska Imtixaanaadka kaddib markii khilaaf soo kala dhex-galay Wasiirka iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.