Wasiirka Waxbarashada oo awaamiir Culus dul-dhigay Goobaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Toorno, ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo ku socota Dugsiyada Waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, waxaanu sheegay in sharciga iyo siyaasadda waxbarashada Dawliga ah lagu dhaqi doono.

Wasiir Toorno waxa uu meesha ka saaray in Ardayda dugsiyadaasi dhigta laga qaado lacag ka baxsan Feega Bisha ah ee uu xeerku ogolyahay, isagoo dhinaca kale ku amray in aan la aqbali karin in Fasallada la fadhiisiiyo wax ka badan 48 Arday.

Advertisement

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Wasiirka waxbarashadu waxa uu sidan ku sheegay Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Hargeysa Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo ku wehelinayey kormeer xaallad deg deg ah oo ay ku tageen dugsiga Salaama ee Magaalada Hargeysa oo Ardaydu wax ka barataa ka sameeyeen gadood ay khasaare ugu geysteen dugsiga.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net

Follow us On