Wasiirka Warshadaha Somaliland oo ka Hadlay Qorsheyaasha Wasaaradiisa

HARGEYSA (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Warshadaha Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) ayaa beeniyay warar sheegayay inuu iska casilayo xilka Wasiirnimo ee uu ka hayo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiir Abiib Diiriye waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay tibaaxo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa.
“Arrintaas imika ayaa igu maqaalo ah wax allaale iyo wax ka jiraanna ma jiro, madaxweynuhuna waa Madaxweynahaygii wax khilaaf iyo dhibaato ah oo na soo kala dhex galayna ma jirto,”ayuu ku hal-celiyay Wasiirka Warshadaha oo wax laga weydiiyay jiritaanka warar sheegayay inuu is casilayo.

Abiib Tima-cad

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Madaxweynaha waanu isku wanaagsan nahay dhawr jeer ayuu wax ii yahay, mar waa gudoomiyahaygii SNM-tii oo toban sanadood ayaanu wada joognay, marna waa madaxweynahaygii xiligan markaa wax khilaaf ah oo na soo kala dhex galay ma jirro, waxaanu ku wada shaqaynaa kal-gacal iyo wanaag.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Wasaaradiisa cusub ee uu madaxda ka yahay waxaanu yidhi “Wasaaradda Warshaduhu waa wasaarad cusub, hal sanno uun bay jirtay waa tii wasaaradda Ganacsigu ku hoos jiri jirtay. Anniga iyo Agaasimaha guud-ba waanu ku cusub nahay, waxase aanu isku daynay inaanu dhaqaajino oo iib geyno. Hawl farro badan baa nagaga baxday, waxaanu qabanay shir aqoon is weydaarsi ah oo balaadhan. Afar cisho oo shirkaasi socday waxaanu u yeedhnay dhammaan Hay’adihii caalamiga ahaa kuwo qarramadda midoobay iyo NGO-yada caalamiga ahba.”

“Waxaad moodaa in wasaaradda loo soo jeestay oo waxa ka mid ah shirkad Chinese ah waxa noo socda wada hadal waxaanay wadaa mashaariic farro badan Khamiista waxa dalka imanaya wefti ka kooban toban xubnood waxay doonayaan oo u socdaan inay dalka warshado ka furraan, waxaana ka mid ah warshadaha baabuurta xidh-xidha iyo kuwa baaskiiladaha,”ayuu yidhi Wasiir Abiib Diiriye.
Wasiirka Warshaduhu waxa kale oo uu tilmaamay inay jirraan shirkad Ustareeliya ka socotay oo iyana doonaysa inay milixda farsamayso oo ay wada wadaan qorshe balaadhan oo arrintaasi ku saabsan.

Somalilandpost.net

Hargaysa