Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo munaasibad soo-dhawayn ah loogu sameeyey Waddanka Faransiiska oo uu gaadhay

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo munaasibad soo-dhawayn ah loogu sameeyey Waddanka Faransiiska oo uu gaadhayParis (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo socdaal ku jooga qaaradda Yurub, ayaa soo dhawayn ballaadhan loogu sameeyey waddanka Faransiiska oo uu gaadhay shalay, ka dib markii uu ka tagay waddanka Jarmalka oo uu muddooyinkii dambe ku sugnaa.

Danjiraha Somaliland u qaabilsan waddanka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan iyo Jaaliyadda Somaliland ee waddankaas, ayaa si ballaadhan uga qayb-qaatay soo-dhawaynta Wasiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale, waxaanu markii dambe wasiirku Jaaliyadda kala qayb-galay munaasibad loo sameeyey soo-dhawaynta wasiirka.

HALKAN KA DAAWO